Shir caalami ah oo mashaqada Itobiya looga doodaya oo Jaamacada Stanford maalinkii 2-aad kasocda.

Dalka Maraykanka waxaa si rasmi ah uga Furmay shir looga doodayo xaalada Qalafsan ee dalka Itobiya kajirta ee kadhalatay dagaalada ay wadaan Jabhadaha Hubaysan iyo kacdoonka dadwayne.

Shirka oo ay Qayb kayihiin Hay’ado caalami ah siyaasiyiin Khuburo kale mucaaradka kala duwan oo ay ugu Horeeyan Jabahadaha ka halgama Itoobiya, ayaa ka furmay Jaamacada caanka ah ee Stanford University ee wadanka Maraykanka .

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah loogu marti qaaday  Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadeniya waxaana ka qayb galay wafdi uu hogaaminahayo Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibadda ONLF mudane Abdirahmaan sheekh Mahdi (Maaday) waxaana ku wehelliyay gudoomiyaha hogaanka Warfaafinta ONLF Mudane Hassan Moalin iyo masuuliyin kale.

Shirka oo bilawday maalinimadii shalay ahayd ayna soo diyaariyeen Golaha Qurba Joogta Itobiya oo kaashanaya Khubaro ku xeel dheer cilmi baadhista oo katirsan Stanford University, ayaa maanta oo Axadna ahna socon doona Labada Galin ba si si rasmi ah loogu soo bandhigo xudunta dhibaatada Itobiya iyo cilmi baadhisaha lasameeyay Natiijada kasoo baxda.

Shirka ayaa Qayb kanoqonaya dadaalada kala duwan ee ay wadaan mucaaradka Qurba Joogta ah ee doonaya in dhibaatada Woyanuhu kuhayo shucuubta kuhoos Jirto loo bandhigo dalalka dunida, gaar ahaan kuwa ree Galbeedka oo ah kuwa siiya dhaqaalaha ugu badan ee maamulkaasi ku Taagan yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...