Ciidanka JWXO oo dagaal kadhacay duleedka Iimey cashar ugu dhigay Woyanaha.

Ciidamada Qalabka sida ee xoraynta Ogadenia iyo ciidamada Woyanaha ee kusugan wadanka Ogadenia gaar ahaan Gobolka Shabeele, ayaa waxaa dhex maray dagaal cashar loogu dhigay ciidamada Woyanaha iyo adeegayaashooda.

Dagaalka oo kadhacay duleedka degmada Iimey Bari ayaa sida warka aanu kuhelay waxaa ciidamada Woyanaha iyo koox katirsan maleeshiyada Liyuuga oo lasocotay lagu Gaadhsiiyay khasaare xoogan oo isugu Jira dhimasho dhaawac iyo Hub badan oo laga Furtay.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa faah faahin kabixinaya dagaalkan oo ahaa mid ay ciidanka JWXO si qurux badan usoo qorsheeyeen, waxaana warku sheegayaa in ciidamada Woyanaha iyo kooxda lasocotay ay awoodi waayeen inay iska difaacaan weerarka oo ciidamada JWXO si Hufan u diyaariyeen.

Dagaalkan oo dhacay 19/1/17 ayaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay inta lahubo 12 askari 20 kalana waa lagaga dhaawacay, sidoo kale waxaa dagaalkan ciidanka cadawga loogu gaystay khasaare dhaqaale oo kala duwan. Dagaalkan ayaa lasheegayaa in uu kadhacay deegaanka Goojo oo Dagmada Iimaybari katirsan halkaas oo ah goobku fiican istaraatiijiyada dagaalka.

Loolanka u dhexeeya ciidamada Qalabka sida ee JWXO iyo ciidamada Woyanaha iyo maleeshiyaadka ay carbisteen ayaa si Joogta ah uga socda inta badan Gobolada wadanka Ogadenia, waxaana dagaaladaasi cadawga lagu Gaadhsiiyo khasaare kala duwan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...