Abaarihii Ogadenia oo Faraha kabaxay iyo 445-Iskuul oo Woyanuhu sheegay in abaarta loo xidhay.
Abaaraha kajira wadanka Ogadenia ayaa Gaadhay Heer aad u xun oo keenay in dadku isaga barakacaan degmoyin waawayn iyo Tuuloyin badan, kadib markii lawaayay wax lagu noolaado dad badana Geeri Qarka u fuuleen.
Sida warka aanu kuhelay degmoyin iyo Tuuloyin u badan Gobolada Doollo Qoraxay Dhagaxbuur Afdheer iyo Shabeele, ayay dadkii daganaa uga barakaceen abaarta baahsan ee sida iskumidka ah u saamaysay inta badan Gobolada Ogadenia.
Maamulka Woyanaha wasaarada u Qaabilsan waxbarashada ayaa dhankeeda sheegtay in dhulka Ogadenia ay kajirto xaalad abaareed oo aad u daran, taasi oo sida ay sheegtay wasaarada kaliftay in Albaabada laysugu dhufto Iskuulo 445.
Wasaarada waxbarashada Woyanuhu waxay sheegtay in caruurtii wax kabaran jirtay Iskuuladaasi ay deegaankooda uga barakaceen, Gaajada iyo Biyo la’aanta baahsan ee kadhalatay abaaraha muda ba kajiray Ogadenia.
Hay’adaha Gar-gaarka caalamiga ah oo lasocda xaalada Qalafsan ee kajirta Ogadenia aysayn maamulka Woyanuhu u Ogolayn inay Gurmad Gaadhsiiyaan malaayiinta ruux ee Gaajada iyo Oonka ugu dhamaanaya Ogadenia, taasi oo Qayb ka ah siyaasada cunaqabataynta iyo Gaajo kulaynta shacabka ee maamulka Woyanuhu kushaqaynayay 10-kii sano ee ugu dambaysay.