Friday, September 22nd, 2017

Ciidankii ugu horreeyay oo AMISOM ah ayaa gaaray Dhuusamareeb

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

Ciidamadii ugu horreeyay oo ka socda howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya oo halkaas muddo dheer ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in magaalada ay ku arkeen ciidamo AMISOM ah.

“Gaadiid iyo askar badan oo AMISOM ah ayaa maanta soo gaarey Dhuusamareeb,iyaga ayaana ku sugan hadda.” ayuu yiri Cawil Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatada Dhuusamareeb wuxuuna inta ku darray ” Ciidankii Itoobiya ee horey u joogay iyaguna way ka baxeen magaalada oo baryahanba way guurayeen.”

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in magaalada laga saarey ciidamada Itoobiya ee horey u joogay,kuwaas oo ay ku tilmaameen inay ka amar qaadan jireen ururka Ahlu Sunna.

Ciidamada Itoobiya ee la sheegay hadda inay ka baxeen Dhuusamareeb, waxaa ay ahaayeen ciidamo ka madax banaan howlgalka AMISOM,taaso keentay inay ka amar qaataan mas’uuliyiinta ururka gacanta ku haya degmada ee Ahlu Sunna,sida ay xaqiijiyeen.

Balse hadda waxaa magaalada tagay ciidamo ka amar qaadan doonna howlgalka AMISOM,warar madax banaan ayaa sheegaya in ujeedka AMISOM ciidamo ka tirsan loo geeyay Dhuusamareeb ay qayb ka tahay heshiis la sheegay inuu u dhaxeeyo Ahlu Sunna iyo Galmudug oo ku muransan gacan ku heynta deegaanno ka mid ah gobolka,laakin labada dhinac wali warkan ma aysan xaqiijin.

Dowladda dhexe ee federaalka ah ma aysan xaqiijin ciidamada gaarey Dhuusamareeb,mana jiro war ka soo baxay wali,balse qorshaha waxaa loo arka inuu qayb ka yahay dadaallada ay ku dooneyso Galmudug inay ku gaarto magaalada caasimadda u ah ee Dhuusamareeb.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.  

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

Shirka Golaha Guud ee Q.M oo Soomaaliya Lacag Ugu deeqay

September 21, 2017
Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ...

Ciidamada Soomaaliy oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose

September 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo ...

Maamulka Galmudug oo Shaacisay Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah Shaqo Abuur loogu samanaayo

September 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u ...

On YouTube