Monday, November 20th, 2017

Kacdoono Cusub oo Gobolka OMO Kasocda & TPLF oo Yaaban.

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

Sida xogta aan kuhelayno dadwaynaha ree OMO ayaa bilaabay kacdoono waawayn oo ay kaga soo horjeedaan dhaqanka xun ee kooxda TPLF iyo dowdhaafka uu taliska wayaanuhu kuhayo shacabka aan is difaaci karin ee kudhaqan Gobolka OMO.

Kacdoonada shacabka ayaa lasheegayaa in ay dib u bilowdeen kadib markii taliska wayaanuhu uu bilaabay mashaariic uu beerihii iyo deegaanadii shacabka ku baabi’inayo, waxaana lasheegayaa in talisku uu warshado waawayn oo kuwa sonkorta ah kadhisayo deegaanadaas isagoon wax ogolaansho ah kahaysanin dadka deegaanka.

Kooxda TPLF oo baryahan dambe dhaqan kadhigatay boobka hantida shacabka ayaa go’aansatay in ay Gobolka OMO mashaariic naf kumeermeeris ah kasamaysanayaan kadib markii laga soo eryay dhulkii ay mashaariicda ku lahaayeen ee Oromia iyo Axmaarada.

Taliska wayaanaha ayaa lasheegayaa in uu amar kubixiyay in qoomiyada OMO ay kaguuraan guud ahaanba hareeraha wabiga wayn ee Gobolka OMO halkaas oo sida lasheegay dadka ree OMO ay beero kulahaayeen, waxaana lasheegayaa in wabiga OMO uu yahay isha kaliya ee dadka ree OMO ay kudhaqan yihiin.

Dadka deegaanka oo talaabadaas uu taliska wayaanuhu qaaday aad uga xumaaday ayaalasheegayaa in ay bilaabeen abaabul iyo hub uruursi, waxayna dadwaynuhu suuqa kudaadiyeen waraaqo ay ugu digayaan ciidanka wayaanaha, dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa ciidamo aad ubadan soo dhoobay si ay uga hortagaan rabshadaha kasocda guud ahaan Gobolka OMO.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Rabshado Khasaare Gaystay oo Nairobi Ka Dhacay.

November 20, 2017
Sida ay kusoo waramayaan wakaaladaha wararka ugu yaraan ...

Deg Deg: Mudaharaad Si Lama Filaan Ah Uga Bilowday Bahardar.

November 20, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta ...

DAAWO Imaaraadka Carabta oo Farmaajo u sameeyey Soo dhawayn lama Filaan ah loo Sameeyey Kadib Marki

November 19, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markii 2aad muddo ...

DAAWO:Sh Maxamed Cabdi Umal Ainta Wasiirada iscasishay Waxay ahayd in Dadka Soomaalida

November 19, 2017
Warbaahinta ayaa inta badan ka hadashay hadalkii dhawaan ...

Fariin Cajiib ah Wasiir Cabaas Walaalkii oo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed u Sheegay

November 19, 2017
Cabdicasiis Siraaje oo ay Walaalo yihiin Alaha u ...

On YouTube