Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Laba Oday Ku Dilay Meel u Dhaw Dagmada Lagahida Ee Gobolka Nogob.

Inaalilaahi wa inaa ilay raajicuun warar dhiilo ah oo naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya Itoobiya ay laba oday oo shacab ah si xaq daro ah ugu dileen duleed dagmada lagahida ee gobolka Nogob, Labadan oday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa  Cabdulaahi Cali khayre oo 75 sano jir ah iyo Mohamed Abdi Aadan oo 40 sano jir ah labadan oday ayaa si arxan daro ah u dilay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga.

Ayadoo maal mahan ay jiraan colaad uu gumaysigu ka dhex hurin hayo dadka soomaalida iyo Oromada ayaa hadana dilkan wuxuu salka ku hayay kadib markii geel ay dad shacab ah lahaayeen ay dhaceen niman Oromo ah kadib na Laba wiil oo geel la joogtay ay soo qayliyeen.

Waxaana lasoo riday geelii kadib kadib ciidanka gumaysiga ayaa waxay ka war heleen meesha waxa ka dhacay waxay odayaasha way diiyeen qoryaha geela lagu dhacay cida lahayd waxaana loo sheegay inay lahaayeen labadaas oday waxaana lagu dilay bartii ayadoo wax sabab ah oo lagu dilay aysan jiray balse wararka aan helay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in lagu dilay qoryahan aad hayseen maxaad dawlada ugu soo sheegi waydeen.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ku hayaan dhibaato fara badan shacabka taasoo isugu jirta dil dhac kufsi iyo xadhig baahsan.

Waxaan uga baryaynaa odayaashan xaq darada lagu dilay inuu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan ka siiyo.

ONA/Ogaadeniya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...