Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Laba Oday Ku Dilay Meel u Dhaw Dagmada Lagahida Ee Gobolka Nogob.

Inaalilaahi wa inaa ilay raajicuun warar dhiilo ah oo naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya Itoobiya ay laba oday oo shacab ah si xaq daro ah ugu dileen duleed dagmada lagahida ee gobolka Nogob, Labadan oday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdulaahi Cali khayre oo 75 sano jir ah iyo Mohamed Abdi Aadan oo 40 sano jir ah labadan oday ayaa si arxan daro ah u dilay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga.

Ayadoo maal mahan ay jiraan colaad uu gumaysigu ka dhex hurin hayo dadka soomaalida iyo Oromada ayaa hadana dilkan wuxuu salka ku hayay kadib markii geel ay dad shacab ah lahaayeen ay dhaceen niman Oromo ah kadib na Laba wiil oo geel la joogtay ay soo qayliyeen.

Waxaana lasoo riday geelii kadib kadib ciidanka gumaysiga ayaa waxay ka war heleen meesha waxa ka dhacay waxay odayaasha way diiyeen qoryaha geela lagu dhacay cida lahayd waxaana loo sheegay inay lahaayeen labadaas oday waxaana lagu dilay bartii ayadoo wax sabab ah oo lagu dilay aysan jiray balse wararka aan helay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in lagu dilay qoryahan aad hayseen maxaad dawlada ugu soo sheegi waydeen.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ku hayaan dhibaato fara badan shacabka taasoo isugu jirta dil dhac kufsi iyo xadhig baahsan.

Waxaan uga baryaynaa odayaashan xaq darada lagu dilay inuu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xubnaha OYSU IFO oo maanta shirkoodii billaha ahaa isugu yimid
- May 20, 2018
Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee OYSU laantiisa kahawl gasha Faraca M.Xorriyo ee ...
Waraaqo Bahir-Dar Lagu Daadiyay & Xaalada oo Kacsan.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ...
Deg Deg Abiye Axmad oo Kala Diray Gudiyo Sharci Darro Ahaa.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyey Dhacdooyinka Todobaadka Dagaalka Tukaraq
- May 20, 2018
Waxaa Wali Lagu Kala Fogyahay Xaalada Colaadeed ee Soomaaliland Iyo Puntland Hadaba Daawo Wararkii ...
Daawo Muuqaal Qosol badan Bidaarta maxaa sababa
- May 20, 2018
Bal Nala Qosol Oo Daawo Muqaal Maad ah maxaa sababa Bidaarta
Daawo Cali Khaliif Galaydh Somaliland Anigaa Iska leh Cidna Marti ugama ihi 18 May
- May 20, 2018
Hogaamiyihii Horee Khaatumo  Cali Khaliif Galaydh ''Somaliland Anigaa Iska leh Cidna Marti ugama ihi'' Wuxuu ...
Al-Markaz Tabsira Waa madarisa Qu’aanka Kariimka ah Lagu Barto
- May 19, 2018
Al-Markaz Tabsira Waa madarisa Qu'aanka Kariimka ah Lagu Barto
Xiisad Kataagan Gobolka Binshangul & Hogaankii Nabadgaliyada oo Ladilay.
- May 19, 2018
Sida warar kaanagii hore aan kusoo tabinay waxaa Gobolka Binshangul ee dhaca koonfurta Itoobiya ...
Dagaal Dhimasho & Dhaawac Keenay oo Dhexmaray Axmaarada Iyo Tigreega.
- May 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada ee wadanka Itoobiya ayaa ...
Jaaliyada Ogaadeniya ee Yamen oo Kulankoodii Caadiga Ahaa isugu Yimid.
- May 19, 2018
Waxaa kulankoodii caadiga ahaa isugu yimaaday jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka yamen waxaana lagu qabtay ...