Friday, September 22nd, 2017

Deg Deg: Dad Kudhintay Goob Qashinka Lagu Daadiyo Magaalada Addis Ababa.

Published on September 16, 2017 by   ·   No Comments

War dag dag ah oo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in ay duntay goob qashinka lagu daadiyo oo kutaala magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya, halkaas oo sida lasheegayo hoyi u ah kumanaan dadka danyarta ah ee ree Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno goobtan qashin qubka ah ee duntay ayaa ah meeshii bishii March ee sanadkan duntay ee ay kudhinteen boqolaalka shacabka ah oo kamid ahaa dadkii halkaas uhoyan jiray, sida aan lawada soconay goobtan duntay ayaa mar hore sidan oo kale uduntay waxayna soo jiidatay indhaha caalamka.

Goob joogayaal kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in uu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ba leh balse ay adagtahay in laga heli xog rasmi ah maadaama oo sida uu goobjooguhu sheegay ay ciidanka wayaanuhu isku heedaameen goobta uu shilku kadhacay.

Waxaa layaab dunida kunoqotay in dadka intaas dhan ay kunoolaadaan goobta qashinka lagu daadiyo, halkaas oo sida muuqata ay godod kaqoteen qashinka buuroobay si ay dhaxanta iyo qabowga daran ee Addis Ababa gabaad uga helaan, dadka udooda xuquuqda aadamaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa dhowr jeer oo hore kadigay dhibka kadhalan kara goobta qashinka lagu daadiyo ee hadana hoyiga u ah kumanaanka danyarta ah.

Magaalada Addis Ababa oo sida lasheegay ay kunool yihiin 4 ilaa 5 milyan oo dad ah ayaa kamid ah magaalooyinka ugu wasakhda badan aduunka waana magaalada kaliya ee caasimad wadan ah ee hadana dadka intaas dhan ay guryo ahaan udagan yihiin qashinka buuroobay ee dadka malaayiinta ah ay subax kasta kusoo daadiyaan.

Qaar kamid ah dadka danyarta ah ee kudhaqan goobta duntay ee qashanka lagu daadiyo oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in aysan soogaadhin lacag lasheegay in loo uruuriyay xiligii ay masiibadu kadhacday ee hore, waxayna maamulka wayaanaha ku eedeeyeen in ay iyagu guryo kudhisteen wixii magacooda lagu soo qaaday.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.  

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

Shirka Golaha Guud ee Q.M oo Soomaaliya Lacag Ugu deeqay

September 21, 2017
Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ...

Ciidamada Soomaaliy oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose

September 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo ...

Maamulka Galmudug oo Shaacisay Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah Shaqo Abuur loogu samanaayo

September 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u ...

On YouTube