Monday, November 20th, 2017

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal Kale Dul Marisey Hawada Japan.

Published on September 16, 2017 by   ·   No Comments

Kuuriyada Waqooyi ayaa jawaab ka bixisey cunno qabetyntii lagu soo rogey todobaadkan. Gantaal laga ridey caasimadda dalkaas ee Pyongyang ayaa dul marey hawada sare ee dalka Japan, ka hor inta aanu ku dhicin Badda deggan ee Pasifikada. Sida laga soo xiganayo dalka Japan gantaalku wuxuu dusha ka marey hawadooda sida uu sheegay telefishanka NHK.

Gantaalka ayaa la ridey saacaddu markey ahayd 06:57 daqiiqo waxaana uu dusha ka marey jasiirada Hokkaido ee Waqooyiga Japan saacaddu markey ahayd 07:06 sida ay ku warantey Reuters. Gantaalka ayaa ku degey meel 200mil u jirta Jasiiradaha Japan ee Erimo iyo Hokkaido.

Dowladda Japan ayaa canbaareysey gantaalka dul marey hawadeeda, waxaana ay ku dhawaaqdey in ay difaaceyso dadkeeda. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa isgu imaanaya shir deg-deg ah, waxaana gantaalkan cusub canbaareeyey qaar kamid ah hoggaamiyaasha caalamka oo uu welwel cusub ku abiiray.

Waa markii labaad ee maamulka Pyongyang ay gantaal dul mariyaan dalka Japan, muddo laba todobaad gudahood ah. Tijaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii QM cunno qabateyn ku soo rogeen dalka Kuuriyada Waqooyi. Safiirka Pyongyang u fadhiya QM ayaa sheegay in cunno qabateyntaas Maraykanku aad uga xanuunsan doono.

Madaxweynaha Ruushka ayaa horey u sheegay in cunno qabateyntu ay xaaladda uga darayso ee wada hadal arrinta lagu xaliyo.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Rabshado Khasaare Gaystay oo Nairobi Ka Dhacay.

November 20, 2017
Sida ay kusoo waramayaan wakaaladaha wararka ugu yaraan ...

Deg Deg: Mudaharaad Si Lama Filaan Ah Uga Bilowday Bahardar.

November 20, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta ...

DAAWO Imaaraadka Carabta oo Farmaajo u sameeyey Soo dhawayn lama Filaan ah loo Sameeyey Kadib Marki

November 19, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markii 2aad muddo ...

DAAWO:Sh Maxamed Cabdi Umal Ainta Wasiirada iscasishay Waxay ahayd in Dadka Soomaalida

November 19, 2017
Warbaahinta ayaa inta badan ka hadashay hadalkii dhawaan ...

Fariin Cajiib ah Wasiir Cabaas Walaalkii oo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed u Sheegay

November 19, 2017
Cabdicasiis Siraaje oo ay Walaalo yihiin Alaha u ...

On YouTube