Sunday, November 19th, 2017

Xiisad Cusub oo Gobolka Axmaarada Kabiilaabatay & Tigreega oo Baqanaya.

Published on September 16, 2017 by   ·   No Comments

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya xiisad xun oo halkaas kataagan iyo wal wal xoogan oo soofood saaray kooxda TPLF iyo kuwa dabadhilifka u ah ee kusugan Gobolka Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa timid kadib markii kumanaan waraaqo ah lagu daadiyay dhamaan magaalooyinka waawayn iyo tuulooyinka kuwaas oo dadka udhashay qoomiyada Tigreega loogu sheegayo in ay si dhakhso ah uga baxaan dhulka Axmaarada.

Dadka shacabka ah ee udhashay qoomiyada lagumaysto ee Axmaarada ayaa aaminsan in jiritaan koodu uu khatar kujiro inta ay jiraan dad udhashay qoomiyada Tigreega oo waliba haysta xukunka ay dadka kugumaadaan, waxayna dadka Axmaaradu iclaamiyeen waraaqahana kudaabaceen dagaal wayn oo lagu qaadi doono qoomiyada Tigree hadii ay ka faaruqi waayaan dhulkooda.

Warka ayaa intaas kudaraya in taliska wayaanaha oo aan dhayalsanin digniinta dadka Axmaarada ah uu bilaabay in shacabka Tigreega udhashay uu kudaabulo diyaarado, sidoo kale taliska wayaanaha oo aad uga taxadara hantida iyo nafta dadka Tigreega ah ayaa baabuur waawayn oo ciidan saaranyahay ku daabulaya hantidii dadka Tigreega ah ay kulahaayeen Gobolka Axmaarada.

Xiisadan cusub ayaa timid xili ay labo uqaybsameen Golihii dhexe ee xisbikusheega Axmaarada ah ee Tigreega kabaqaadka u ah oo lagu magacaabo ANDM, kuwaas oo sida lasheegay qayb kamid ah ay soojeediyeen in laga hoos baxo ururka TPLF loona dhaqaaqo dhinaca xoriyada, halka qaybta kalana ay dooranayaan in dhalada lagaga taagnaado.

Sidoo kale xiisada ayaa kusoo aaday xili Gobolka Axmaarada laga xusayo inkabadan 50 dhalin yaro ah oo sanad kahor lagu laayay magaalada Bahardar, kuwaas oo aan kabixin xusuusta guud ahaa dadka qoomiyada Axmaarada gaar ahaan eheladii dhalinta laxasuuqay.

Baryaha soo socda ayaa Gobolka Axmaarada laga filayaa in ay kadhacaan kacdoono waawayn oo lagu diidan yahay kooxda TPLF iyo talada wadanka ee lagu naas nuujinayo qoomiyada tirada yar ee Tigreega.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

QM oo ku eedeeysay Imaaraadka in ay hubeyso maamulada ka jira Soomaaliya

November 19, 2017
Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta ...

Qoraa Caan Ah oo Addis Ababa Laga Masaafuriyay Sababta.

November 19, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee ...

Dagaalo Kadhacay Gobolka Axmaarada oo Ciidanka Wayaanaha Loogu Awood Sheegtay.

November 19, 2017
Wararka naga soo gaadhaya woqooyiga Gobolka Axmaarada ayaa ...

Daawo: Waraysi Gudoomiye ku Xigeenka Hogaanka Arimaha Dibada JWXO Mudane Abdulahi Axmed ileye.

November 19, 2017
Waxaa waraysi dhinacyo badan taaban haya la layeeshay ...

Daawo: Hees Cusub oo Wadani Ah “Munasabada” Codkii Fardawsa Gaashaan Kooxda Duufaan Qaran.

November 19, 2017
Waxaad hoos ka daawataan hees wadani ah oo ...

On YouTube