Bayaan ku saabsan dagaallada cadowgu ka dhex-wado qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Bayaan ku saabsan dagaallada cadowgu ka dhex-wado qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada


September 16, 2017
Dagaallo uu soo abaabulay taliska TPLF ee Itoobiya ka taliya ayaa muddooyinkii dambe oo dhan ka dhacayay soohdimaha u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Dagaalladaasi waxay horseedeen in labada dhinacba ay kaga dhintaan dad shacab ah oon waxba galabsanin oo boqollaal gaadhay. Waxay sidoo kale abuureen colaad wayn oo keentay in la laayo dad maxas ah oon waxba gaysanin, isla markaana la bara-kiciyo dadkii walaalaha ahaa ee waligoodba isla soo nolaan jiray.
Dagaalladan iyo colaadahan waxaa abuuray oo ka dambeeya taliska Addis Ababa ee TPLF ay hormuudka ka tahay, oo in badan ka shaqaynayay sidii uu isugu diri lahaa labada qowmiyadood ee walaalaha ah ee Soomaalida iyo Oromada, isagoo adeegsanaya maamullada gacan-yaraha u ah gumaysiga ee laba dhinac ka hawlgala. Danta uu gumaysigu ka leeyahay dagaalladan waa inuu isku naafeeyo awoodda shucuubta isaga la dagaallamaya, iyo inuu ka dalfiyo hadafkooda istiraatiijiyadeed ee ah inay dalalkooda ka xoreeyaan. Mana aha dagaallo ka dhashay dhul iyo wax la mid ah oo la isku haysto, sida ay gumaysiga iyo kalkaaliyayaashiisu faafinayaan.
Taliska gumaysiga ah ee TPLF gadh-wadeenka ka tahay wuxuu caan ku yahay inuu colaado iyo iska horimaadyo ka dhex-abuuro qowmiyadaha, si uu uga nasto dagaallada ay xoogagga gobonnimo doonka ahi ku hayaan, isla markaana u shiiqiyo kacdoonnada dadwayne ee lagu diiddan yahay nidaamka TPLF ee ka socda dhammaanba gobollada Itoobiya.
Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadu waxay ka mid yihiin dadyowga la gumaysto ee cadaadiska iyo dhibaatooyinka ugu badan lagu hayo, waxayna safka hore kaga jiraan kuwa dulmiga ka dhiidhiyay ee u dagaallamaya inay xornimadoodii iyo sharaftoodii dib ula soo noqdaan. Waxay leeyihiin hal cadow, oo ah gumaysiga Itoobiya, sidaas darteed waxay waligood iska soo kaashan jireen, ilaa iyo haddana iska kaashadaan sidii loo xoojin lahaa halganka gobonnimo doonka.
Dhinaca kale, labada qowmiyadood waa dad wada-dhashay oo wadaaga dhaqan, dhiig iyo derisnimo, isla markaana ay dano badani ka dhexeeyaan, oon sina u kala maarmi karin.
Sidaas darteed, waxay JWXO ugu baaqaysaa in labadan qowmiyadood ay marka hore ogaadaan;
1. In cidda dagaalka iyo colaadda soo qorshaysay ay tahay TPLF iyo kalkaaliyayaal u adeega oo danaheeda ka shaqeeya
2. In danta ay ka leeyihiin ay tahay inay ku naafeeyaan halganka gobonnimo doonka ah iyo kacdoonnada dadwayne ee lagaga soo horjeedo
3. Iyo inay xukunkooda ku ilaashadaan dhiigga dadyowga walaalaha ahee ay isku dirayaan.
JWXO waxay sidoo kale ugu baaqaysaa labadan qowmiyadood inay sida ugu dhakhsaha badan u joojiyaan dagaallada iyo colaadaha uu gumaysigu ka dhex-huriyay, ayna is-ixtiraamaan oo qowmiyad waliba ay midda kale nabadgelyo iyo derisnimo wanaag kula noolaato.

Waxay kaloo ugu baaqaysaa dhammaan ururrada siyaasadeed, kuwa bulshada rayadka ah iyo waxgaradka labada qowmiyadood ee ka naxaya waxyeellada dadkooda, dhibaatooyinka gumaysigana ka dhiidhiyaya, inay ka shaqeeyaan sidii colaaddan loo soo afjari lahaa, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen.
Si loo fashiliyo barnaamijyada siyaasadeed ee TPLF, waa in qowmiyadaha walaalaha ah ee Soomaalida iyo Oromadu ay ka wadashaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa qorshayaasha dhagareed ee TPLF iyo kalkaaliyayaasheedu ay wadaan, halganka gobonnimo doonkana loo taageeri lahaa, si guusha kama dambaysta ah loo gaadho.
JWXO waxay si adag u cambaaraynaysaa xukuumadda gumaysiga Itoobiya, oo si toos ah uga dambaysa dagaallada iyo colaadaha ka dhex oogan qowmiyadaha kala duwan, waxayna beesha caalamka ka codsanaysaa in lagula xisaabtamo dambiyada dagaal iyo kuwa bani’aadamnimada ka dhanka ah ee xukuumadda Wayaanuhu sida joogtada ah u gasho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War Degdeg Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Holka Laga Qaaday Loons Magacaabay
- Jan 21, 2018
Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow ...
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa’id ee Muuse Biixi
- Jan 20, 2018
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa'id ee Muuse Biixi oo  dhinacyo badan taabanaya
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
- Jan 20, 2018
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
- Jan 20, 2018
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
- Jan 20, 2018
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
Daawo Dhaqan Xumida Maamulka Abdi Iley Say Dadka U Cayaan iyo Waalida Waxa Haysta
- Jan 20, 2018
Ninka aaminsan ninka cajaladan soo duubay ( Cabdi iley) inuu dan umadeed ka shaqaynayo ...
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + Maanso- By: Xaaji M/rashiid
- Jan 20, 2018
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + ...
Hay’ada HRW oo Taliska Wayaanaha Cambaaraysay.
- Jan 20, 2018
Warbixin sanadeedkii hay’ada Human Rights Warch ee sanadkii tagay ee 2017 ayaa siwayn loogu ...
Boko Xaraam oo sheegtay in ay 25 askari ka dishay milatariga Niger
- Jan 20, 2018
Mintidiinta kooxda Boko Xaraam ee xiriirka la leh kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ...
Sisi oo markale u tartamaya madaxtinimada Dalka Masar
- Jan 20, 2018
Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi ayaa xaqiijiyay in uu doonaayo inuu u tartamo doorashada xigta ...