Friday, September 22nd, 2017

Bayaan ku saabsan dagaallada cadowgu ka dhex-wado qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

Bayaan ku saabsan dagaallada cadowgu ka dhex-wado qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada

September 17, 2017
Dagaallo uu soo abaabulay taliska TPLF ee Itoobiya ka taliya ayaa muddooyinkii dambe oo dhan ka dhacayay soohdimaha u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Dagaalladaasi waxay horseedeen in labada dhinacba ay kaga dhintaan dad shacab ah oon waxba galabsanin oo boqollaal gaadhay. Waxay sidoo kale abuureen colaad wayn oo keentay in la laayo dad maxas ah oon waxba gaysanin, isla markaana la bara-kiciyo dadkii walaalaha ahaa ee waligoodba isla soo nolaan jiray.
Dagaalladan iyo colaadahan waxaa abuuray oo ka dambeeya taliska Addis Ababa ee TPLF ay hormuudka ka tahay, oo in badan ka shaqaynayay sidii uu isugu diri lahaa labada qowmiyadood ee walaalaha ah ee Soomaalida iyo Oromada, isagoo adeegsanaya maamullada gacan-yaraha u ah gumaysiga ee laba dhinac ka hawlgala. Danta uu gumaysigu ka leeyahay dagaalladan waa inuu isku naafeeyo awoodda shucuubta isaga la dagaallamaya, iyo inuu ka dalfiyo hadafkooda istiraatiijiyadeed ee ah inay dalalkooda ka xoreeyaan. Mana aha dagaallo ka dhashay dhul iyo wax la mid ah oo la isku haysto, sida ay gumaysiga iyo kalkaaliyayaashiisu faafinayaan.
Taliska gumaysiga ah ee TPLF gadh-wadeenka ka tahay wuxuu caan ku yahay inuu colaado iyo iska horimaadyo ka dhex-abuuro qowmiyadaha, si uu uga nasto dagaallada ay xoogagga gobonnimo doonka ahi ku hayaan, isla markaana u shiiqiyo kacdoonnada dadwayne ee lagu diiddan yahay nidaamka TPLF ee ka socda dhammaanba gobollada Itoobiya.
Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadu waxay ka mid yihiin dadyowga la gumaysto ee cadaadiska iyo dhibaatooyinka ugu badan lagu hayo, waxayna safka hore kaga jiraan kuwa dulmiga ka dhiidhiyay ee u dagaallamaya inay xornimadoodii iyo sharaftoodii dib ula soo noqdaan. Waxay leeyihiin hal cadow, oo ah gumaysiga Itoobiya, sidaas darteed waxay waligood iska soo kaashan jireen, ilaa iyo haddana iska kaashadaan sidii loo xoojin lahaa halganka gobonnimo doonka.
Dhinaca kale, labada qowmiyadood waa dad wada-dhashay oo wadaaga dhaqan, dhiig iyo derisnimo, isla markaana ay dano badani ka dhexeeyaan, oon sina u kala maarmi karin.
Sidaas darteed, waxay JWXO ugu baaqaysaa in labadan qowmiyadood ay marka hore ogaadaan;
1. In cidda dagaalka iyo colaadda soo qorshaysay ay tahay TPLF iyo kalkaaliyayaal u adeega oo danaheeda ka shaqeeya
2. In danta ay ka leeyihiin ay tahay inay ku naafeeyaan halganka gobonnimo doonka ah iyo kacdoonnada dadwayne ee lagaga soo horjeedo
3. Iyo inay xukunkooda ku ilaashadaan dhiigga dadyowga walaalaha ahee ay isku dirayaan.
JWXO waxay sidoo kale ugu baaqaysaa labadan qowmiyadood inay sida ugu dhakhsaha badan u joojiyaan dagaallada iyo colaadaha uu gumaysigu ka dhex-huriyay, ayna is-ixtiraamaan oo qowmiyad waliba ay midda kale nabadgelyo iyo derisnimo wanaag kula noolaato.

Waxay kaloo ugu baaqaysaa dhammaan ururrada siyaasadeed, kuwa bulshada rayadka ah iyo waxgaradka labada qowmiyadood ee ka naxaya waxyeellada dadkooda, dhibaatooyinka gumaysigana ka dhiidhiyaya, inay ka shaqeeyaan sidii colaaddan loo soo afjari lahaa, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen.
Si loo fashiliyo barnaamijyada siyaasadeed ee TPLF, waa in qowmiyadaha walaalaha ah ee Soomaalida iyo Oromadu ay ka wadashaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa qorshayaasha dhagareed ee TPLF iyo kalkaaliyayaasheedu ay wadaan, halganka gobonnimo doonkana loo taageeri lahaa, si guusha kama dambaysta ah loo gaadho.
JWXO waxay si adag u cambaaraynaysaa xukuumadda gumaysiga Itoobiya, oo si toos ah uga dambaysa dagaallada iyo colaadaha ka dhex oogan qowmiyadaha kala duwan, waxayna beesha caalamka ka codsanaysaa in lagula xisaabtamo dambiyada dagaal iyo kuwa bani’aadamnimada ka dhanka ah ee xukuumadda Wayaanuhu sida joogtada ah u gasho

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.  

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

Shirka Golaha Guud ee Q.M oo Soomaaliya Lacag Ugu deeqay

September 21, 2017
Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ...

Ciidamada Soomaaliy oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose

September 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo ...

Maamulka Galmudug oo Shaacisay Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah Shaqo Abuur loogu samanaayo

September 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u ...

On YouTube