Friday, September 22nd, 2017

Dhalinyaro Weeraro Toogasho ah looga Shakisan yahay oo Muqdisho lagu qab qabey tay

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

Ciidamada amaanka degmada Dharkeynlay ayaa la sheegay in ay qab qabteen dhalinyaro loo shakisan yahay weeraro toogasho ah oo daganaa Xaafad ka mid ah degmadaasi oo lagu dilay Labo ka mid ah Ciidanka Minishiibiyada Soomaaliya.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay qabteen ilaa 5 qof oo dhalinyaro ah kuwaas oo ku sugnaa suuq ku yaalo degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir.

Qabashada dadkaan ayaa timid kadib markii Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen Labo ka mid ah Ciidamada Minishiibiyada Soomaaliya waxaana kooxdii dilka geysatay ay hore u qaateen Qori ay wateen Askarta la dilay.

Degmada Dharkeynlay ayaa waxaa joogto ka noqday dilalka maalmihii la soo dhaafay waxaana todobaad gudihiis ka dhacay ku dhawaad 10 dil kuwaas oo siyaabo kala duwan u dhacay.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.  

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

Shirka Golaha Guud ee Q.M oo Soomaaliya Lacag Ugu deeqay

September 21, 2017
Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ...

Ciidamada Soomaaliy oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose

September 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo ...

Maamulka Galmudug oo Shaacisay Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah Shaqo Abuur loogu samanaayo

September 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u ...

On YouTube