Madaxweynaha Jubbaland oo tagay halka ay dowladda Kenya ka dhiseyso darbiga kala xiraya xadduuda Soomaaliya iyo Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland,

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa booqashadii ugu horreeysay ku tagay Sabtidii shalay xadduuda Soomaaliya iyo Kenya ee kala qeybiya magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Booqashadan waxaa ku waheliyay Madaxweynaha mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-gobolleedka iyo saraakiil ciidan,waxaana ay kormeeren dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xadka labada dal.

Dhismaha darbiga ayaa hadda ka socda meel ka baxsan halkii markii hore ay dowladda Kenya ay sheegtay inay ka dhiseyso darbiga,kaddib markii lugu eedeyay dowladda Kenya inay ku soo durugtay xadka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeestay dhismaha darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda ee ku yaalla dhinaca Beledxaawo, iyadoo sanadkii hore wafdi wasiiro iyo Xildhibaano ay tageen, si ay u soo arkaan.

Dowladda Kenya oo faahfaahisay ujeedka dhismaha darbiga, waxaa ay ku sheegtay Kenya inay kaga hortagto weerarada uga imaanaya al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland oo isagu darbiga halka laga dhisayo tagay ma usan sheegin hadal ka dhan ah dhismaha socda, waxaana booqashadiisa ay qayb ka ahay kormeer uu ku marayay deegaano ka tirsan gobolka Gedo, isagoo booqday xeradii al-Shabaab ay weerareen todobaadkii hore ee duleedka degmada Beledxaawo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War Degdeg Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Holka Laga Qaaday Loons Magacaabay
- Jan 21, 2018
Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow ...
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa’id ee Muuse Biixi
- Jan 20, 2018
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa'id ee Muuse Biixi oo  dhinacyo badan taabanaya
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
- Jan 20, 2018
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
- Jan 20, 2018
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
- Jan 20, 2018
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
Daawo Dhaqan Xumida Maamulka Abdi Iley Say Dadka U Cayaan iyo Waalida Waxa Haysta
- Jan 20, 2018
Ninka aaminsan ninka cajaladan soo duubay ( Cabdi iley) inuu dan umadeed ka shaqaynayo ...
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + Maanso- By: Xaaji M/rashiid
- Jan 20, 2018
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + ...
Hay’ada HRW oo Taliska Wayaanaha Cambaaraysay.
- Jan 20, 2018
Warbixin sanadeedkii hay’ada Human Rights Warch ee sanadkii tagay ee 2017 ayaa siwayn loogu ...
Boko Xaraam oo sheegtay in ay 25 askari ka dishay milatariga Niger
- Jan 20, 2018
Mintidiinta kooxda Boko Xaraam ee xiriirka la leh kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ...
Sisi oo markale u tartamaya madaxtinimada Dalka Masar
- Jan 20, 2018
Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi ayaa xaqiijiyay in uu doonaayo inuu u tartamo doorashada xigta ...