Tacadiyo Kala Duwan oo Ogadenia Kadhacay.

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ee gacanta gumaysiga madow kujira ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ciidamada gumaadka shacabka lootababaray ay ugaysteen shacabka Soomaalida Ogadenia.

Tacadiyadan oo isugu jira dil, jidh-dil, dhac iyo xidhay ayaa si badheedh ah loogu gaystay shacabka aan dambiga lahayn ee Soomaalida Ogadenia waxayna udhaceen sidan.

Waxaa markii ay taariikhdu ku beegnayd 12/9/17 Fayaanbiiro waxay Hawaarinta Oromadu ku xidheen 62 haween ah oo Soomaali ah oo qaadka kashaqaysan jiray, waxaana lasheegayaa in qaar kamid ah haweenkaas loogaystay jidh dil ba’an.

Isla taariikhdan 12/9/17 Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu kuxidheen labo muwaadin oo lagu kala magacaabo faadumo sh axmed aadan iyo maxamuud sh axmed aadan.

Dhinaca kale 12/9/17 Deegaanka Caleen oo Dagmada Shilaabo katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen gabadh lagu magacaabo Faadumo Cabdi Asad. Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo waxay ciidanka cadawgu lawareegeen 2 baabuur oo uraraa magaalada waxaana kala lahaa kaafi aadan jibriil iyo xaali oo ah gabadh agoonlay ah.

Warkan ayaa intaas raacinaya in 13/9/17 Jigjiga waxaa lakeenay 51 mayd oo shacab ah oo Soomaali ah kuwaas oo ay laayeen dabaqoodhiga Oromadu, waxaana lagu aasay magaalada Jigjiga. Magaalada Herar waxay Hawaarinta Oromadu kugubeen 5 baabuur oo magaalada Jigjiga qaad uwaday, waxaana baabuurtaas lahaa nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Afdiinle.

Waxaa kale oo markay taariikhdu ahayd 14/9/14 Daawadiid oo Dagmada Dhuxun katirsan ay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 dirqo barre
2 cabdinaasir dieqi barre
3 yaasiin maxamuud
4 maxamed daahir cabdi
5 maxamuud daahir cabdi
6 maxamuud cabdi budul.

Dhinaca kale ciidanka hawaarinta ah ee Oromada ayaa 11-12/9/17 dhacay 11 geel oo shacabka Soomaalidu ay leeyihiin waxayna kadhaceen deegaanada Cobosha iyo Gaasa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War Degdeg Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Holka Laga Qaaday Loons Magacaabay
- Jan 21, 2018
Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow ...
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa’id ee Muuse Biixi
- Jan 20, 2018
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa'id ee Muuse Biixi oo  dhinacyo badan taabanaya
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
- Jan 20, 2018
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
- Jan 20, 2018
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
- Jan 20, 2018
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
Daawo Dhaqan Xumida Maamulka Abdi Iley Say Dadka U Cayaan iyo Waalida Waxa Haysta
- Jan 20, 2018
Ninka aaminsan ninka cajaladan soo duubay ( Cabdi iley) inuu dan umadeed ka shaqaynayo ...
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + Maanso- By: Xaaji M/rashiid
- Jan 20, 2018
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + ...
Hay’ada HRW oo Taliska Wayaanaha Cambaaraysay.
- Jan 20, 2018
Warbixin sanadeedkii hay’ada Human Rights Warch ee sanadkii tagay ee 2017 ayaa siwayn loogu ...
Boko Xaraam oo sheegtay in ay 25 askari ka dishay milatariga Niger
- Jan 20, 2018
Mintidiinta kooxda Boko Xaraam ee xiriirka la leh kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ...
Sisi oo markale u tartamaya madaxtinimada Dalka Masar
- Jan 20, 2018
Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi ayaa xaqiijiyay in uu doonaayo inuu u tartamo doorashada xigta ...