TPLF oo Kala Dhaqaaqday & Sibahat Nega oo Australia Uguuray.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu wadanka xamaantiisii ka uruursaday mid kamid ah dadkii ugu awooda badnaan jiray kooxda TPLF ee looga dambayn jiray talada wadanka.

Gudoomiyihii hore ee urur kusheega TPLF Sibahat Nega Ayaa lasheegayaa in uu qaar kamid ah eheladiisa udaabulay wadanka Australia halkaas oo sida lasheegayo uu waydiistay magan galiyo siyaasadeed, sidoo kale Sibahat Nega ayaa lasheegayaa in inta uusan ciyaalkiisa iyo walaalihii gaynin wadanka Australia uu halkaas kasameeyay ganacsiyo waawayn iyo waliba guryo dhaadheer wuxuuna arintan qorshaynayay 2dii sano ee ugu dambaysay.

Qaxa iyo qoxootiga uu Sibahat Nega doortay ayaa waxay ka makhraati kacaysaa rajo xumada saraakiisha wayaanaha ugu sareeya iyo guud ahaan burburka wadanka Itoobiya soo food saaray, waxaana muuqata in saraakiisha taliska wayaanaha ugu saraysa ay kumashquulsan yihiin sidii ay wadanka uga bixi lahaayeen.

Sibahat Nega ayaa noqonaya sargaalkii 4aad oo madaxda TPLF kamid ah oo wadanka dibadiisa uguuray waxaana kahoreeyay gudoomiyaha hada ee TPLF Abay Woldu oo ciyaalkiisii uraray Australia, Abay Sahay iyo Akabe Kubay oo iyaguna ciyaalkoodii gaystay wadamada dibada.

Dadka siyaasada Itoobiya falanqeeya ayaa sheegaya in ay jiraan saraakiil kale oo kutala jira sidii ay saldhig uga samaysan lahaayeen wadamada dibada si ay uhelaan meel ay ubaxsadaan burburka wadanka ee soo muuqda kadib, waxayna falanqeeye yaashu sheegayaan in dhamaan saraakiisha wayaanaha ugu saraysa uu midkasta qariyay hantidii umada ee lagu ogaa taas oo umuuqata dhac badheedh ah oo heshiis lagu yahay.

Guud ahaan wadanka Itoobiya ayaa sifiican cagta usaaray wadadii burburka, waxaana caadi iska noqday baxsadka dadka magaca leh iyo boobka hantida shacabka, sida aan lawada socono waxaa wadanka iskaga cararay aqoonyahano, fanaaniin, ciyaartoy, duuliye yaal, ganacsato iyo siyaasiyiin caan ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Shir Heersare Ah oo lagu soo Dhaweeyay Waftigii Wadahadalka ONLF oo hada Nairobi ka furmay.
- Feb 17, 2018
Sidii aan lawada soconayba waxaa  maalmihii lasoo dhaafay uu dalka Kenya gaar ahaan Magaalada ...
Qiso Murugo Leh xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad.
- Feb 17, 2018
xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad. Goobtu ...
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ku dambeeyeen
- Feb 17, 2018
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ...
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
- Feb 17, 2018
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta taagan
- Feb 17, 2018
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta ...
Turkiga & Maraykanka oo Kawada Hadlaya Xaalada Waqooyiga Suuriya.
- Feb 17, 2018
Turkiga iyo Maraykanka oo goradda isugu jiray Waqooyiga dalka Suuriya ayaa waxay isku raaceen ...
Deg Deg Afar Macalin oo Lagu dilay Magaalada Wajeer.
- Feb 17, 2018
Sida ay tibaaxayaan wararka ka imanaya Kenya 3 macllin ayaa lagu dilay Gobolka Waqooyi ...
Tony Bleir oo Baajiyay Safarkiisii Addis Ababa Sababta?
- Feb 17, 2018
Raysal-wasaarihii hore ee wadanka Ingiriiska Tony Bleir ayaa lasheegayaa in uu gabi ahaanba joojiyay ...
Wargayska US News oo Maqaal Dheer Kaqoray Xaalada Itoobiya.
- Feb 17, 2018
Wargayska caanka ah ee lagu magacaabo US News oo maqaal dheer kaqoray xaalada Itoobiya ...
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo
- Feb 16, 2018
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo