Sunday, November 19th, 2017

Wariye Caan Ah oo Qaadaa Dhigay Xaalada itoobiya.

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

Wariyaha caanka ah ee lagumagacaabo Grahm Peebles ayaa soo saaray warbixin dheer oo uu diirada kusaaray xaalada dhabta ah ee wadanka Gumaysiga Itoobiya iyo aragtida khaldan ee dadwaynaha loosheegayo.

Grahm Peebles oo qoraal aad udheer uqaybiyay saxaafada caalamka ayaa sheegay in qaar kamid ah dowladaha ree galbeedku ay dadwaynaha khaldi jireen iyagoo sheegi jiray hormar been ah oo wadanka Itoobiya kajira, wuxuuna wariyuhu qoraalkiisa kusheegay in dowladaha ree galbeedku ay iska qaateen beenta ay Itoobiya usheegto.

Wariye Grahm Peebles ayaa sheegay in wadanka Itoobiya aysan kajirin xoriyada saxaafada iyo xoriya qofka muwaadinka ah toona, wuxuuna wariyuhu soo qaatay wariye yaal iyo warbaahin laxidhay iyo waliba dad siyaasiyiin ah oo jeelasha kabuuxa kadib markay dhibka jira kahadleen.

Sidoo kale wariyaha ayaa sheegay in talada wadanka ay iska haysato kooxda TPLF oo kaliya mudo dheer, wuxuuna wariyuhu sheegay in aan wadanka laga ogolayn xisbi siyaasadeed arimihiisa umadax banaan iyo qof siyaasi ah oo aragti madax banaan leh toona.

Sidoo kale wariyaha ayaa xusay in aan wadanka laga ogolayn hay’ado madax banaan wuxuuna wariyuhu cadaymo usoo qaatay saraakiishii ay hay’adaha ushaqaynaysay ee lagu amray in ay wadanka si dhakhso ah uga baxaan, sidoo kale wariyaha ayaa soo qaatay magacyada qaar kamid ah dadkii hay’adaha ushaqayn jiray oo xabsi kujira gudaha Itoobiya.

Wariye Grahm Peebles ayaa sheegay in guud ahaan wadanka Itoobiya ay kajirto cadaalad iyo sinaan la’aan wuxuuna sheegay in wadanka ay caadi kayihiin dilka, dhaca, kufsiga, xidhayga iyo handadaada oo joogta ka ah wadanka Itoobiya.

Ugu dambayntii wariye Grahm Peebles ayaa sheegay in wadanka Itoobiya uu yahay wadanka aduunka ugu liita marka dhankasta laga eego, wuxuuna wariyuhu sheegay in uu kawalbahaarsan yahay wadada qodxaha badan ee uu kusii socdo wadanka Itoobiya iyo sida aysan ujirin cid badbaadisaa.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

QM oo ku eedeeysay Imaaraadka in ay hubeyso maamulada ka jira Soomaaliya

November 19, 2017
Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta ...

Qoraa Caan Ah oo Addis Ababa Laga Masaafuriyay Sababta.

November 19, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee ...

Dagaalo Kadhacay Gobolka Axmaarada oo Ciidanka Wayaanaha Loogu Awood Sheegtay.

November 19, 2017
Wararka naga soo gaadhaya woqooyiga Gobolka Axmaarada ayaa ...

Daawo: Waraysi Gudoomiye ku Xigeenka Hogaanka Arimaha Dibada JWXO Mudane Abdulahi Axmed ileye.

November 19, 2017
Waxaa waraysi dhinacyo badan taaban haya la layeeshay ...

Daawo: Hees Cusub oo Wadani Ah “Munasabada” Codkii Fardawsa Gaashaan Kooxda Duufaan Qaran.

November 19, 2017
Waxaad hoos ka daawataan hees wadani ah oo ...

On YouTube