Ardayda Jaamacadaha Oromia oo Cashiraroodii Joojiyay & Kacdoono Bilowday.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka ay kacdoonadu ladageen ee Oromia ayaa sheegaya in xiisad cusub oo cirka isku sii shareeraysa oo ardayda Jaamacadaha iyo taliska wayaanaha u dhaxaysa ay siwayn usoo if baxday.

Sida xogta aan kuhelayno ardayda Jaamacadaha ee Gobolka Oromia ayaa sheegay in aysan cashiradooda qaadan doonin ilaa iyo inta ciidamada wayaanaha ee Jaamacadaha fadhiisimada kasamaystay laga dhex qaadayo.

Taliska dhaqanka xun ee wayaanaha ayaa sanado kahor bilaabay in uu ciidamadiisa dajiyo gudaha qaar kamid ah jaamacadaha wadanka kadhisan, isagoo xeerinayay dano ugaar ah islamarkaana ku cabsi galinayay dhalinta jaamacadaha dhigata oo iyagu hormuud u ah kacdoonada wadanka kajira.

Qaar kamid ah ardayda jaamacadaha ayaa bilaabay mudaharaado ay kudiidan yihiin ciidamada dagan gudaha Jaamacadahooda waxayna ardaydu bilaabeen in ay xidhaan wadooyinka soo gala Jaamacada iyagoo adeegsanaya dhagaxaan iyo geedo waawayn.

Sidoo kale ardayda Jaamacadaha Gobolka Oromia ayaa lasheegayaa in aysan xaadirin mudo labo todobaad ah, waxaana hada kubiiray arday kale oo badan oo dhigata Jaamacadaha Oromia waxaana lasheegayaa in mudaharaadka ardaydu uu isu badali karo kacdoomo waawayn oo gilgila Gobolka oo dhan.

Ardayda Jaamacadaha Oromia dhigata ee udhalatay qoomiyada Tigreega ayaa lasheegayaa in laga daabulay Gobolka Oromia iyagoo lageeyay magaalada Addis Ababa iyo Gobolkoodii, waxaana lasheegayaa in ay galaaftaan kacdoonada cusub ee ardayda Oromia ay bilaabeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Wasiirka Arimaha Dibada Gumaysiga Itoobiya oo Ka Hadlay Xukunka Dag Daga ah.
- Feb 22, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Gumaysiga Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa difaacay xukunkii deg dega ahaa ...
Daawo Live Dulmiga dumay maxaa loogu digan waayay Aqoonyahay Safiya Mohamed
- Feb 22, 2018
Daawo Live Dulmiga dumay maxaa loogu digan waayay Aqoonyahay Safiya Mohamed
Daawo Haweeney xaday ilmo dhalan 3 Isbuuc oo maxkamad lasoo taagay
- Feb 22, 2018
Daawo Haweeney xaday ilmo dhalan 3 Isbuuc oo maxkamad lasoo taagay
Daawo Burburka Ethiopia Saamayn Maku Yeelan Doonaa Somaliland
- Feb 22, 2018
Daawo Burburka Ethiopia Saamayn Maku Yeelan Doonaa Somaliland
Daawo 1700 Maxaabiis Ah Oo Xabsiga Jigjiga Ethiopia Laga sii Daayey
- Feb 22, 2018
Daawo 1700 Maxaabiis Ah Oo Xabsiga Jigjiga Ethiopia Laga sii Daayey
Daawo Gudoomiyaha gobolka banaadir Abdirahman Omar Osman Eng Yarisow iyo DOODWADAAG 21 02 2018
- Feb 22, 2018
Daawo Gudoomiyaha gobolka banaadir Abdirahman Omar Osman Eng Yarisow iyo DOODWADAAG 21 02 2018
DAAAWO WARKII CAALAMKA IYO SOOMAALIYA OO FAAH FAAHSAN
- Feb 22, 2018
DAAAWO WARKII CAALAMKA IYO SOOMAALIYA OO FAAH FAAHSAN
Daawo Wasiir bayle iyo Ganacsada Muqdisho oo meel adag kala gaaray
- Feb 21, 2018
Daawo Wasiir bayle iyo Ganacsada Muqdisho oo meel adag kala gaaray
Daawo Waraysi xasaasiya Hogaanka Warfafinta JWXO YouTube
- Feb 21, 2018
Daawo Waraysi xasaasiya Hogaanka Warfafinta JWXO YouTube
Daawo Waa kuma Raisal wasaaraha Cusub ee Ethiopia
- Feb 21, 2018
Daawo Waa kuma Raisal wasaaraha Cusub ee Ethiopia