Wednesday, November 22nd, 2017

DEGDEG:Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Published on November 12, 2017 by   ·   No Comments

Koox Hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku toogtay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland.

Dilka Askariga ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana Maamulka Magaalada ay sheegayaan in xilliga dilka uu Askariga ku jiray howshiisa caadiga ah.

Guddoomiyah magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa ka tacsiyeeyay dilka Askarigaas oo lagu magacaabi jiray Rooble Awle.

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in xilliga dilku dhacayay Askariga iyo shaqaalaha kale ee dowladda hoose ay ka shaqeynayeen nadiifinta Goob biyo fariisad ah oo uu Roobka ka da’ay magaalada Biya dhigay.

Waxaa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ay ka socoto nadaafadda degaannada biya fariisadka ah,waxaana uu intaas raaciyay in dowladda hoose ay ka go’antahay soo celinta bilicda Magaalada Gaalkacyo.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Maraykanka oo Xoojiyay Weerarada Kadhanka Ah Al-shabaab.

November 22, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay howlgalkeeda iyo ciidamada ka ...

Qaar Kamid Ah Saraakiisha Wayaanaha oo Faldambiyeed Lagu Qabtay.

November 22, 2017
Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa ...

Deg Deg: Xaalada Gonder oo Kacsan & Ciidamada oo Qoorta Iskula Jira.

November 22, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee woqooyiga ...

Somaliland Ku dhawaaqidii Natiijada Ma Ogtahay in Hotelka ugu Wayn Magaalada ay

November 22, 2017
Waxaa durba laga dareemay Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka ...

Faysal Cali Waraabe oo Si lama Filaan ha ooga hadalay Doorashii Somaliland

November 22, 2017
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ...

On YouTube