Hamid Karzai oo Maraykanka Ku Eedeeyay Samaynta Daacishta Afqanistan.

Hamid Karzai, Madaxweynihii hore ee dalkaasi Afghanistan ayaa waraysi uu siiyay Talafeeshinka Aljazeera ku sheegay in dowlada Maraykanka ay wax ka ogeyd kooxda Daacish ee kusii fidaysa dalkaas.

Mr. Karzai oo lagu wareystay barnaamijka Upfront ee jimcihii laga baahiyey aljazeera, ayaa sheegay in Maraykanka uu si fiican ulla socday markii maleeshiyaadka Daacish ay ku fidayeen dalkiisa, balse Maraykanka uusan wax talaabo ah ka qaadin.

Mr. Karzai ayaa sheegay in Maraykanka marmarsiinyo ka dhigtay kooxda Daacish ee Afghanistan bishii April ee sanadkan oo ahayd xiligii dowlada Trump ay bombada weyn ee loo yaqaan “mother of all bombs” (MOAB) ku dhufteen degaanka Achin oo ka tirsan Gobalka Nangarhar oo xaduud laleh dalka Pakistaan. Bambaanadaasi oo dhulka la sintay dhul ah 1.6km oo isku wareeg ah.

Hamid Karzai oo kamid ah xulafadii Maraykanka ee maamulka dalkaasi loo dhiibay kadib markii isbaheysiga NATO burburiyey xukuumadii Talibanka, ayaa sheegay in sirdoonka iyo militariga Maraykanka uu wax badan kala socday aasaaska Daacishta wadanka Afghanistan kusii fidayey 2dii sano ee lasoo dhaafay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Wasiirka Arimaha Dibada Gumaysiga Itoobiya oo Ka Hadlay Xukunka Dag Daga ah.
- Feb 22, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Gumaysiga Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa difaacay xukunkii deg dega ahaa ...
Daawo Live Dulmiga dumay maxaa loogu digan waayay Aqoonyahay Safiya Mohamed
- Feb 22, 2018
Daawo Live Dulmiga dumay maxaa loogu digan waayay Aqoonyahay Safiya Mohamed
Daawo Haweeney xaday ilmo dhalan 3 Isbuuc oo maxkamad lasoo taagay
- Feb 22, 2018
Daawo Haweeney xaday ilmo dhalan 3 Isbuuc oo maxkamad lasoo taagay
Daawo Burburka Ethiopia Saamayn Maku Yeelan Doonaa Somaliland
- Feb 22, 2018
Daawo Burburka Ethiopia Saamayn Maku Yeelan Doonaa Somaliland
Daawo 1700 Maxaabiis Ah Oo Xabsiga Jigjiga Ethiopia Laga sii Daayey
- Feb 22, 2018
Daawo 1700 Maxaabiis Ah Oo Xabsiga Jigjiga Ethiopia Laga sii Daayey
Daawo Gudoomiyaha gobolka banaadir Abdirahman Omar Osman Eng Yarisow iyo DOODWADAAG 21 02 2018
- Feb 22, 2018
Daawo Gudoomiyaha gobolka banaadir Abdirahman Omar Osman Eng Yarisow iyo DOODWADAAG 21 02 2018
DAAAWO WARKII CAALAMKA IYO SOOMAALIYA OO FAAH FAAHSAN
- Feb 22, 2018
DAAAWO WARKII CAALAMKA IYO SOOMAALIYA OO FAAH FAAHSAN
Daawo Wasiir bayle iyo Ganacsada Muqdisho oo meel adag kala gaaray
- Feb 21, 2018
Daawo Wasiir bayle iyo Ganacsada Muqdisho oo meel adag kala gaaray
Daawo Waraysi xasaasiya Hogaanka Warfafinta JWXO YouTube
- Feb 21, 2018
Daawo Waraysi xasaasiya Hogaanka Warfafinta JWXO YouTube
Daawo Waa kuma Raisal wasaaraha Cusub ee Ethiopia
- Feb 21, 2018
Daawo Waa kuma Raisal wasaaraha Cusub ee Ethiopia