Ururka Midowga dhalinyarada & Ardayda Ogadenya Faraciisa Garissa Oo Shir Abuul Qabay:

Midowga dhalinyarada & Ardayda Ogadenya Faraciisa Garissa ayaa maanta Kulan Abaabul uqabteen Dayarta Ku Dhaqan Magaalada Garissa  Shirkan Abaabulka ah ayaa waxaa qabtay Maamulka OYSU ee Garissa waxayna kumarti qaadeen Qaar kamida Maamulka Jaaliyada Afrikada Bari ee Soomaalida Ogaadeenya. Faraciisa Balsan.

Ugu horayna waxaa Shirka Lagu Furay Wacdi diini ah, kadibna waxaa Madasha Shirka Warbixino Waafiya oo dhinacyo badan taabanaya kasoo jeediyay Mas’uuliyiintii Shirka kasoo qayb gashay oo isugu jirtay Maamulka Barsan  iyo Maamulka dhalinyarada OYSU, waxayna dhamaantood Carabka ku Adkeeyeen in la raadiyo Midnimada Dhalinyarada Soomaalida Ogaadeniya dal & dibad meelay joogaanba islamarkaana dadaal adag loo gali lahaa sidii la isu raacin lahaa Gumaysiga itoobiya ee kala dhaqaaqa taagan.

Dhanka kale waxaa Isu imaatinkan kahadlay qaar kamida  Dhalinyaradiisoo xaadiray Kulanka, waxayna Cod midaysan kumuujiyeen in Guntiga dhiisha la iskaga dhigo si loo hanto Dalka Ogaadeniya ee Gumaysigii haystay hada Saaxada sii banaynayo, Waxayna Dhalinyaradu  balan qaadeen inay sii dardar galin doonaan Hawlaha Halganka Ogadenya ee lagu doonayo Xoriyada Dalka, Diinta & Dadka Ogaadeniya.

Waxaa kale oo laga dooday Qaabka ugu Sahlan ee Midnimada Bulshada lagu raadin karo, waxaana la isku raacay in si midaysan dulmiga Ummada haysta looga wada hortago dhamaana Bulshada loogu baaqo Midnimo waxtar leh oo aan Cadiifad iyo Laablakac kudhisnayn, taasoo xiligan muhiimad wayn uleh Shacabka Ogadenya waxaana laysku balansaday in dulmiga laga midoobo loona midoobo sidii Dulmiga Ummada daashaday looga bixi lahaa, Fursada hada muuqanaysana looga Faa’iidaysan lahaa.

Ugudanbayntii waxaa Kulanka Dardaaran qiimo badan kasoo jeediyay Maamulkii  OYSU ee Faraciisa Garissa  OO Dhalinyarada  ku booriyay inay Qodobada Shirka kasoo baxay Ficil ubadalaan kana soo dhalaalaan Waajibaadka Qaran ee uyaala si ay usoo dag dagto Xoriyada Ogadenya ee Muqadaska ah, Iskusoo wadaduuboo Kulankan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday Guuul iyo Jawi wanaagsan oo farxad leh.

hirka ayaa gabagabadii waxaa qudbad ka jeedisay Nafteedhurto Gaari oo kasoo gabagabaysay hadalo qiimo badan oo ay kula hadlaysan dhalinyarada ayadoo ugu baaqday in maanta halganku uu joogo xiligii dhalinyarada loona baahan yahay inay booska banaan oo dhan ay buuxiyaan dhalinyaradu.

Shirka ayaa ugu danbayntii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Gaarisa.

Image may contain: 3 people, indoor
Image may contain: 1 person, sitting, shoes and indoor
Image may contain: one or more people, people sitting, shoes and indoor
Image may contain: one or more people, shoes and indoor
Image may contain: 3 people, wedding and indoor

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...