Khal Khalka Kooxda TPLF oo Gaadhay Meel Halis Ah & Hoos Kooda oo Ay Kadidayaan

.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khal khalkii ugu waynaa oo soo food saaray taliska wayaanaha iyo amaanka magaalada iyo deegaanada kuxeeran oo aad usii xumaanaya.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada wayaanaha ayaa maalin nimadii shalay ilaa xalay xidhay wadooyinka waawayn ee magaalada Addis Ababa soogala ama kabaxa, waxayna ciidamadu siwayn ubaadhayeen dhamaan baabuurta magaalada soogalaysa iyo kuwa kabaxayaba.

Goob jooge kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in uu arkayay ciidamo aad ubadan oo dhulka dhigaya rarka ay baabuurtu wadaan iyagoo dadkana mid mid ubaadhaya, sidoo kale goob joogaha ayaa sheegaya in ay ciidamadu dadka iyo wadayaasha gaadiidkaba waydiisanayeen lacago baad ah iyagoo dhahaya cidii lacag bixisa ayaan siidaynaynaa.

Talaabadan ay qaadeen ciidamada wayaanaha ayaa muujinaysa khal khalka kooxda TPLF iyo cabsida ay kaqabto in xukunka laga tuuro isla markaana ay kacdoon wadayaashu saamayn wayn kuyeeshaan magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Taliska wayaanaha ayaa gabi ahaanba kaquustay gacan kuhaynta iyo kantaroolida gobolada wadanka wuxuuna talisku mashquul kuyahay sidii uu u hanan lahaa amaanka magaalada Addis Ababa oo ah meesha ay taalo caloosha taliska wayaanaha.

Isku soo wada duub oo khalkhalka kooxda TPLF oo hada noqday mid waali ah ayaa umuuqda mid aan laga bogsoon karin, waxayna kooxdu gaadhay heer ay kuwa u adeega aamini waayaan.

ONA.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Wasiirka Arimaha Dibada Gumaysiga Itoobiya oo Ka Hadlay Xukunka Dag Daga ah.
- Feb 22, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Gumaysiga Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa difaacay xukunkii deg dega ahaa ...
Daawo Live Dulmiga dumay maxaa loogu digan waayay Aqoonyahay Safiya Mohamed
- Feb 22, 2018
Daawo Live Dulmiga dumay maxaa loogu digan waayay Aqoonyahay Safiya Mohamed
Daawo Haweeney xaday ilmo dhalan 3 Isbuuc oo maxkamad lasoo taagay
- Feb 22, 2018
Daawo Haweeney xaday ilmo dhalan 3 Isbuuc oo maxkamad lasoo taagay
Daawo Burburka Ethiopia Saamayn Maku Yeelan Doonaa Somaliland
- Feb 22, 2018
Daawo Burburka Ethiopia Saamayn Maku Yeelan Doonaa Somaliland
Daawo 1700 Maxaabiis Ah Oo Xabsiga Jigjiga Ethiopia Laga sii Daayey
- Feb 22, 2018
Daawo 1700 Maxaabiis Ah Oo Xabsiga Jigjiga Ethiopia Laga sii Daayey
Daawo Gudoomiyaha gobolka banaadir Abdirahman Omar Osman Eng Yarisow iyo DOODWADAAG 21 02 2018
- Feb 22, 2018
Daawo Gudoomiyaha gobolka banaadir Abdirahman Omar Osman Eng Yarisow iyo DOODWADAAG 21 02 2018
DAAAWO WARKII CAALAMKA IYO SOOMAALIYA OO FAAH FAAHSAN
- Feb 22, 2018
DAAAWO WARKII CAALAMKA IYO SOOMAALIYA OO FAAH FAAHSAN
Daawo Wasiir bayle iyo Ganacsada Muqdisho oo meel adag kala gaaray
- Feb 21, 2018
Daawo Wasiir bayle iyo Ganacsada Muqdisho oo meel adag kala gaaray
Daawo Waraysi xasaasiya Hogaanka Warfafinta JWXO YouTube
- Feb 21, 2018
Daawo Waraysi xasaasiya Hogaanka Warfafinta JWXO YouTube
Daawo Waa kuma Raisal wasaaraha Cusub ee Ethiopia
- Feb 21, 2018
Daawo Waa kuma Raisal wasaaraha Cusub ee Ethiopia