Al‐Shabaab oo soo bandhigay Magaca iyo Qabiilka uu kasoo jeedo Shakhsigii isku Qarxiyey Buula Guduud

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid iyo Hub farabadan oo ay sheegen inay ka qabsadeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Gaadiidka iyo Hubka ayey sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay 3­dii September ee sanadkaan ku qaaden xerada ciidanka dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose.

Hubka ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa u badan qoryaha Ak47 iyo nooca loo yaqaan Sabanka oo ay isticmaalayeen ciidankii ka cararay hubka.

Alshabaab waxa ay sidoo kale soo bandhigtay 2 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan ka faa’iideysta Hubka dowlada, waana sababta ay dowladaha saaxiibada ah uga caajisaan in dowlada ay siiyaan Hub iyo Gaadiid dagaal.

Hubka Shabaabka ay soo bandhigeen waxaa kaloo ku jira Qoriga loo yaqaan sabanka oo dagaalka loo isticmaalo, marka la eego hubka ay soo bandhigeen waxaa muuqata xerada ciidanka Buulo gaduud hub badan inay ka qaateen Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa sidan oo kale dhawr mar u soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku qabsadeen dagaalo ay ku qaadeen xeryo ciidan oo ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya Filimka ayaa lagusoo bandhigayaa Ninkii fuliyay weerarka is qarxinta oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caziiz Cabdullaahi kanasoo jeeda Beesha Eelaay kaasi oo isagoo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay gudaha ugalay saldhigga ciidanka maamulka Jubbaland ee Buula Guduud.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...