Xabsiga Ma’ekelawi oo Maxaabiis Badan Aad Loogu Dhibaateeyay.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada wayaanaha ayaa si bini’aadam nimada kabaxsan ula dhama maxaabiista Jeelka Ma’ekelawi, waxaana lasoo tabinayaa in ay maxaabiistu mutaan tacadiyo kala duwan oo isugu jira dil, jidh-dil iyo kufsi baahsan oo loogaysto dumarka kuxidhan jeelka.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ayaa dhowr jeer kahadlay xaalada bini’aadam nimo ee kajirta jeelka Ma’ekelawi iyo guud ahaan xabsiyada ay xukuumada wayaanuhu iqaabta iyo dulaynta dadwaynaha usamaysatay.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa intaas kudaray in ay dhibaatada maxaabiista lagu hayo ma’uul kayihiin nin Genaral ah iyo nin Kornayl ah oo labaduba udhashay qoomiyada gumaadka shacabka u istaagtay ee Tigreega.

Xabsiga wayn ee Ma’ekelawi ayaa kamid ah xabsiyada dadka lagu iqaabo waxayna xukuumada wayaanuhu gaysaa xabsiga Ma’ekelawi dadka siyaasada loohaysto ama xukuumada wayaanaha kasoo horjeeda, waxaana hada xabsiga kuxidhan dhowr boqol oo shacab iyo siyaasiyiin isugu jira.

Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa caan ku ah iqaabta iyo gabood falada ay ugaysanayso dadka uxidh xidhan waxayna xukuumada wayaanuhu qaar kamid ah dadka uxidh xidhan u adeegsataa sun iyo waxyaabo kale oo dadka gumaada.

Xabsiga Wayn ee kuyaala magaalada Jigjiga ee loo yaqaano Jeel-ogaadeen ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee dadka maxaabiista ah lagu dhibaateeyo, waxaana sanadihii lasoo dhaafay Jeel-ogaadeen kadhacay tacadiyo uu kufsigu ugu daran yahay oo loogaysto kumanaan shacab ah oo aan waxba galabsanin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Shir Heersare Ah oo lagu soo Dhaweeyay Waftigii Wadahadalka ONLF oo hada Nairobi ka furmay.
- Feb 17, 2018
Sidii aan lawada soconayba waxaa  maalmihii lasoo dhaafay uu dalka Kenya gaar ahaan Magaalada ...
Qiso Murugo Leh xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad.
- Feb 17, 2018
xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad. Goobtu ...
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ku dambeeyeen
- Feb 17, 2018
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ...
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
- Feb 17, 2018
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta taagan
- Feb 17, 2018
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta ...
Turkiga & Maraykanka oo Kawada Hadlaya Xaalada Waqooyiga Suuriya.
- Feb 17, 2018
Turkiga iyo Maraykanka oo goradda isugu jiray Waqooyiga dalka Suuriya ayaa waxay isku raaceen ...
Deg Deg Afar Macalin oo Lagu dilay Magaalada Wajeer.
- Feb 17, 2018
Sida ay tibaaxayaan wararka ka imanaya Kenya 3 macllin ayaa lagu dilay Gobolka Waqooyi ...
Tony Bleir oo Baajiyay Safarkiisii Addis Ababa Sababta?
- Feb 17, 2018
Raysal-wasaarihii hore ee wadanka Ingiriiska Tony Bleir ayaa lasheegayaa in uu gabi ahaanba joojiyay ...
Wargayska US News oo Maqaal Dheer Kaqoray Xaalada Itoobiya.
- Feb 17, 2018
Wargayska caanka ah ee lagu magacaabo US News oo maqaal dheer kaqoray xaalada Itoobiya ...
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo
- Feb 16, 2018
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo