Qoraa Caan Ah oo Addis Ababa Laga Masaafuriyay Sababta.

Sida xogta aan kuhelayno laanta socdaalka ee xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa wadanka Itoobiya ka masaafuriyay Rene Lefort oo ah nin qoraa ah oo dunida siwayn looga yaqaano, sidoo kale qoraaga ayaa lasheegayaa in si anshaxa kabaxsan loola dhaqmay mudadii uu kusugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

Rene Lefort ayaa lasheegayaa in uu garoonka Addis Ababa kasoo dagay isagoo kasoo kicitimay magaalada Baris ee caasimada wadanka France, waxaana lasheegayaa in uu qoraagu watay waraaqda dal kugalka oo uu kasoo qaatay safaarada gumaysiga Itoobiya ee wadanka France.

Hase yeeshii shaqaalaha garoonka Addis Ababa oo horaan loogu wargaliyay in qoraagu uuyahay qof qaswade ah isla markaana aan loo ogolayn wadanka Itoobiya ayaa aqoonsaday magiciisa waxayna kaqaateen Baasaboorkii iyagoo ku dhex xabisay garoonka.

Rene Lefort oo ah muwaadin udhashay wadanka France ayaa ah shakhsi siwayn wax uga qori jiray xaalada qasan ee wadanka Itoobiya iyo guud ahaan wadamada saxaraha kahooseeya, sidoo kale qoraaga ayaa maqaalo dhaadheer oo uu qoray ku dhaliilay qaabka uu taliska wayaanuhu uladhaqmo shacabka kacdoon wadayaasha ah ee ree Itoobiya.

Rene Lefort oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baris saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in uu wadanka Itoobiya kalasoo kulmay arin argagax leh oo horaan uusan u arag, wuxuuna qoraagu intaas kudaray in wadanka Itoobiya uu u aaday howlo ganacsi isla markaana uu watay waraaqo dalkugal ah oo aysan waxba ka khaldanayn.

Masaafurinta iyo bahdilka lagu sameeyay qoraaga wayn ee udhashay wadanka France ayaa muujinaya cadaalad darada iyo cadaadiska kooxda TPLF ay kuhayso saxaafada madaxa banaan, waxaana lafilayaa in uu qoraagu wax kaqori doono dhaqankii uu Addis Ababa kusoo arkay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda
- Dec 11, 2017
Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda ee 2018 ...
Daawo Warkii Caalamka
- Dec 11, 2017
Daawo Warkii Caalamka aad ka heli doonto xogo muhiim ah
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
- Dec 11, 2017
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
- Dec 11, 2017
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
- Dec 11, 2017
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
Al Shabaab oo Gawaari Siday Raashin ku gubay Duleedka Baladweyne
- Dec 11, 2017
Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegaya in ay dab qabadsiiyeen Gawaari Raashin ...
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka oo Loo Diiday Inuu Falastiin Booqdo.
- Dec 11, 2017
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka, Mike Pence oo lagu waday in uu dhamaadka bishan tago dhulka ...
QM oo Shaacisay Tirada Shacabka Lagu Laayay Soomaaliya.
- Dec 11, 2017
Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan xuquuqda Insaanka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsn tirada ...
Rabshado Kasocda Gobolka Tigrey & Khasaare Kadhashay.
- Dec 11, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adgirat ee Gobolka Tigrey ayaa sheegaya rabshado aad uxoogan ...
Deg Deg: Xubno Sarsare oo Itoobiyaan Ah oo Australia Isu Dhiibay.
- Dec 11, 2017
War goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in wafti heer sare ah oo kasocday ...