Ciidanka Wayaanaha oo Go’doomiyay Magaalada Gonder, Sababta.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanuhu go’doomiyeen guud ahaanba magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada gumaysiga Itoobiya oo wata baabuurta gaashaaman ayaa gooyay dhamaan jidadka soogala magaalada Gonder, iyagoo baadhitaan xoog leh kusamaynayay dhamaan gaadiidka magaalada soogalayay iyo kuwa kabaxayayba.

Ciidanka wayaanaha ayaa sidoo kale lasheegayaa in ay dadwaynaha gaadiidka saaran marinayeen baadhitaan xoog badan iyagoo sida lasheegay qaadanayay wixii lacag ama Mobel ah oo ay dadku wataan, waxaana lasheegayaa in ay jiraan dad badan oo xabsiyada lootaxaabay.

Howlgalkan ay ciidanka wayaanuhu sameeyeen ayaa lagu macneeyay mid lagaga jawaabayay dagaalkii maalintii daraad kadhacay deegaan aan ka fogayn magaalada Gonder, halkaas oo ciidamada wayaanaha cashiro lama ilaawaan ah loogu dhigay.

Taliska khalkhashan ee wayaanaha ayaa u arkay in hubkii dagaalka lagaga qabsaday ciidankiisa lasoo galin doono magaalooyinka waawayn waana sababta keentay in ay qaadaan baadhitaanka intaas la’eg.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa aaminsan in ay dadwaynuhu taageero wayn uhayaan jabhadaha hubaysan, isla markaana ay siiyaan hub iyo ciidanba, wuxuuna talisku siwayn isha ugu hayaan dhalinta kudhaqan Gobolada ay jabhaduhu kajiraan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.
- Apr 21, 2018
? Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray ...
Vladimir Putin oo Diyaar U Ah Inuu Trump La Kulmo.
- Apr 21, 2018
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo ...
Falastiiniyiin Lagu Dilay Xadka Gaza & Israa’iil.
- Apr 21, 2018
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee marinka Qaza ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof oo Falastiniyiin ...
Wariye Caan Ah oo Lagu Bahdilay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa & Dad Lalaayay.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
Ururka ONLF waxaa la Aas-aasay sanadkii 1984. wuxuu halganka hubaysan billaabay sanadkii 1994. ujeeddada loo Aas-aasay Ururka waa inay dadka Soomaaligalbeed (Ogaadeeniya) helaan Aayo-katashi.
- Apr 21, 2018
Muddadii uu Ururku jiray wuxuu soo maray marxalado isugu jira dibu-dhac iyo horu-kac si ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.
- Apr 20, 2018
Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn ...
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
- Apr 20, 2018
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
Deg Deg Daawo Soomaaliland oo Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadaw
- Apr 20, 2018
Maamulka Soomaaliland Oo Aalaaba Xarig la beegsada Dadka Magaca Bulshada Kudhex Leh Ee Aada ...