Deg Deg: Xaalada Gonder oo Kacsan & Ciidamada oo Qoorta Iskula Jira.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee aagaas ay ciidanka wayaanaha u qabteen shir ciidamada loogu gaystay cadaadis aad ubadan iyo waliba kala qaybin wayn oo dhinaca ciidamada ah.

Sida xogta aan kuhelayno saraakiisha kooxda TPLF ee kahowl gala magaalada Gonder iyo nawaaxigeeda oo aad uga xumaaday dagaalkii ciidanka wayaanaha khasaaraha loogu gaystay ee woqooyiga Gonder kadhacay ayaa bilaabay in ay uhanjabaan qaar kamid ah ciidamada wayaanaha oo ay kutuhunsan yihiin in ay gacan saar laleeyihiin jabhadaha hubaysan.

Saraakiisha Tigreega oo aad ugu hanjabayay qaybta 24aad ee magaalada Gonder, ayaa sheegay in ay ogyihiin qaar kamid ah ciidamada oo lashaqeeya jabhadaha hubaysan isla markaana fashiliya ciidankooda waxayna saraakiishu sheegeen in ay gacan bir ah kuqaban doonaan ciidanka lagu helo falalka noocaas ah.

Mid kamid ah saraakiisha wayaanaha ee shirkaas qabtay ayaa sheegay in xubno kamid ah ciidamada oo udhashay qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada ay siwayn mashquul ugu yihiin fashilinta ciidamada, wuxuuna sargaalku sheegay in talaabo laga qaadi doono.

Wariye kusugan magaalada Gonder oo arimaha isha kuhayay ayaa sheegay in ay isla maalintii shalayba baxsadeen qaar kamid ah ciidamadii loo hanjabayay kuwaas oo sida uu wariyuhu sheegayo baxsaday iyagoo hubkoodii wata.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegaya in ciidankan oo tiradiisa aan lasheegay ay ugaleen jabhada hubaysan ee Gimbot 7 oo siwayn ula dagaalanta ciidamada wayaanaha.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.
- Apr 21, 2018
? Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray ...
Vladimir Putin oo Diyaar U Ah Inuu Trump La Kulmo.
- Apr 21, 2018
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo ...
Falastiiniyiin Lagu Dilay Xadka Gaza & Israa’iil.
- Apr 21, 2018
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee marinka Qaza ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof oo Falastiniyiin ...
Wariye Caan Ah oo Lagu Bahdilay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa & Dad Lalaayay.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
Ururka ONLF waxaa la Aas-aasay sanadkii 1984. wuxuu halganka hubaysan billaabay sanadkii 1994. ujeeddada loo Aas-aasay Ururka waa inay dadka Soomaaligalbeed (Ogaadeeniya) helaan Aayo-katashi.
- Apr 21, 2018
Muddadii uu Ururku jiray wuxuu soo maray marxalado isugu jira dibu-dhac iyo horu-kac si ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.
- Apr 20, 2018
Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn ...
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
- Apr 20, 2018
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
Deg Deg Daawo Soomaaliland oo Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadaw
- Apr 20, 2018
Maamulka Soomaaliland Oo Aalaaba Xarig la beegsada Dadka Magaca Bulshada Kudhex Leh Ee Aada ...