Dhoolatu Millatari oo Sudan ka dhacaya oo Lagu marti Qaaday Ciidamo Soomaali ah

In ka badan Kun Askari oo ka kala socda 10-ka Waddan ee ka tirsan Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) waxa uu Dhoolatus la xiriira Hawlgalladda Nabad-ilaalinta iyo Ammaanka uga bilaaban doonaa Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 2 isbuuc ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Sudan,Djibouti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, Rwanda, Komoros iyo Seychelles.

Carbiskaasi Milliteri oo loogu magac daray “Mashariki Salaam 2” ayaa la sheegay inuu bilaaban doono bishan  November 25-da, lana soo gebagebeyn doono bisha December 3-da ee sannadkan.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika ee “ The Eastern Africa Standby Force  (EASF) ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka qaadan doonaan Tababaro dhinaca Rayidka, Boliska iyo Milliteriga, si loogu xoojiyo Awoodooda ku adaan inay si degdeg ah uga hawlgalaan goobaha ay ka dhacaan Colaadaha ee  dalalka Bariga Afrika.

Ciiddanka waxaa kaloo la bari doonaa Hawlaha Nabad-ilaalinta, Ka-hortaga Argagixisadda iyo Falalka Tahriibinta dadka ee ka socda Mandiqadda Bariga dhexe.

Muddada uu socdo Dhoolatuskaasi waxaa ka so oqeyb geli doonaa Wakiilo Milliteri oo ka kala socda dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Midwoga Europe.

Tan iyo markii la asaasay Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) sannadkii 2004-tii, waxay Ciiddanku Tababaro Milliteri oo noocaasi ah ka sameeyeen dalalka Kenya, Sudan, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xog hayaha Guud ee JWXO oo shacabka Somaaliyed lahadlay
- Jul 16, 2018
Waxaa Khudbad ujeediyay Umada Soomaaliyee Xogaha Guud Ee O N L F Mr Maadey ...
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee TV Ga
- Jul 16, 2018
Waxaa Isa sii Taraya Isbadalada Kasoo Cusboonaanaya Guud ahaan geeska africa Gaar ahaan Ethiopia ...
Daawo Muqdisho waxa ay ka gudbeysaa shidaalka lagu iibiyo caagadaha
- Jul 16, 2018
Waxaa isa soo taraya Hormarada Mashaariicda Magaalada Muqdisho Hadaba halkan kadaawo Muuqaal arinkaasi Kusaabsan.
Israa’iil oo Weerartay Marinka Qaza ee Falastiin.
- Jul 16, 2018
Benjamin Netanyahu, Ra’isal wasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil weerarkii ugu cuslaa tan ...
Deg Deg Colaadii Soomaalida & Oromada oo Meelo Horleh Kusii Fidaya.
- Jul 16, 2018
Wararka nagasoo gudaha Ogaadeniya gaar ahaana Gobalka Liibaan ayaa sheegaya in shacab badan oo ...
Jaaliyada Melbourne & Ergadii Shirwaynaha JWXO oo Kulana yeeshay.
- Jul 16, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Australia gaar ahaan magaala madaxda gobolka victoriya ee Melbourne ...
Daawo Warbixin Murugo leh Ciqaabta Xabsiga Jeel Ogaadeen
- Jul 15, 2018
Waxaa Maalmahan ba baraha bulshada Kubadanaayay Soo if bixida Warbixinada Kusaabsan Tacadiyada Kajira Jeel ...
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
- Jul 15, 2018
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
DEG DEG Daawo Gabadh Reer Sool ah oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalka Laascaanood
- Jul 15, 2018
Waxaa mar walba Colaada ay Saamaysaa Dumarka caruurta Iyo waayeelka Hadaba Gabar Da yar ...
Daawo Jabuuti Oo Walaac ka Muujisay Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea
- Jul 15, 2018
Dowlada Jabuuti Oo Colaad ka dhaxayso Eritrea Ayaa ka walaacsan Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea ...