Al Shabaab oo Xalay weerar culus ku qaaday Degmada Dhoobley

Dagaalyahanno ka tirsan Xarkadda Al Shabaab ayaa Xalay Saqdii Dhexe weerar culus ku qaaday Xero ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana lagu soo warramayaa in halkaasi uu ka dhacay dagaal saacado qaatay oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda ee ku sugnaa Xeradaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka rasaas culus oo ay is weydaar sanayeen 2 dhinac.

Lama oga illaa hadda khasaaraha dhabta ee ka dhashay weerarkaasi, inkastoo Saakay xaaladdu ay dagan tahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose oo ku aadan weerarkaasi.

Balse dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen deegaanka Buulo Gaduud, halkaas oo ay ku dileen Askar ka tirsanaa ciidanka Maamulka Jubbaland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...