war deg deg ah:230 qof oo Masaajid gudiiisa lagu dilay iyo tira intaa kabadan oo lagu dhaawacay .

Kooxo aan hayb tooda la garan hayn oo Maleeshiyaad ah ayaa weerar bam iyo rasaas kale loo adeegsaday ku qaaday masaajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar iyaga oo dilay ugu yaraan 230 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.

Ugu yaraan 100 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaaku.

Mid ka mid ah wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan in bartilmaameedku uu ahaa taageerayaasha laamaha ammaanka ee dawladda oo masaajidka ku tukanayay.

Madaxweyne Cabdul Fattax Al Sisi ayaa la kulmi doona laamaha ammaanka si uu dhacdadan ugala hadlo, sida uu ku warramay Telefishinka gaar loo leeyahay oo Masar ka hawlgala oo lagu magacaabo Extra News TV.

Illaa iyo hadda lama oga cidda masuulka ka ah weerarkan maanta dhacay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xog hayaha Guud ee JWXO oo shacabka Somaaliyed lahadlay
- Jul 16, 2018
Waxaa Khudbad ujeediyay Umada Soomaaliyee Xogaha Guud Ee O N L F Mr Maadey ...
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee TV Ga
- Jul 16, 2018
Waxaa Isa sii Taraya Isbadalada Kasoo Cusboonaanaya Guud ahaan geeska africa Gaar ahaan Ethiopia ...
Daawo Muqdisho waxa ay ka gudbeysaa shidaalka lagu iibiyo caagadaha
- Jul 16, 2018
Waxaa isa soo taraya Hormarada Mashaariicda Magaalada Muqdisho Hadaba halkan kadaawo Muuqaal arinkaasi Kusaabsan.
Israa’iil oo Weerartay Marinka Qaza ee Falastiin.
- Jul 16, 2018
Benjamin Netanyahu, Ra’isal wasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil weerarkii ugu cuslaa tan ...
Deg Deg Colaadii Soomaalida & Oromada oo Meelo Horleh Kusii Fidaya.
- Jul 16, 2018
Wararka nagasoo gudaha Ogaadeniya gaar ahaana Gobalka Liibaan ayaa sheegaya in shacab badan oo ...
Jaaliyada Melbourne & Ergadii Shirwaynaha JWXO oo Kulana yeeshay.
- Jul 16, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Australia gaar ahaan magaala madaxda gobolka victoriya ee Melbourne ...
Daawo Warbixin Murugo leh Ciqaabta Xabsiga Jeel Ogaadeen
- Jul 15, 2018
Waxaa Maalmahan ba baraha bulshada Kubadanaayay Soo if bixida Warbixinada Kusaabsan Tacadiyada Kajira Jeel ...
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
- Jul 15, 2018
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
DEG DEG Daawo Gabadh Reer Sool ah oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalka Laascaanood
- Jul 15, 2018
Waxaa mar walba Colaada ay Saamaysaa Dumarka caruurta Iyo waayeelka Hadaba Gabar Da yar ...
Daawo Jabuuti Oo Walaac ka Muujisay Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea
- Jul 15, 2018
Dowlada Jabuuti Oo Colaad ka dhaxayso Eritrea Ayaa ka walaacsan Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea ...