Hay’ad Caalami Ah oo Kadigtay Macaluul Ogadenia Kajirta.

Hay’ada Famine Wachdog oo kashaqaysa arimaha abaaraha iyo sidii looga hortagi lahaa ayaa sheegtay in heerka macaluusha Ogadenia oo ahaa 4 uu sare ukacay isla markaana uu gaadhay 5, taas oo sida ay hay’adu sheegtay kalifi karta in ay udhintaan dad aad ubadan oo ciyaal iyo haween ubadan.

Hay’ada ayaa sheegtay marka la eego heerka cabirka ee 5ta ah in uu yahay heer khatar ah marka lafiiriyo qaabka loo cabiro macaluusha, waxayna hay’adu soo jeedisay in xukuumada wayaanaha iyo caalamkuba ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ku dhuftay wadanka Ogadenia.

Guud ahaan wadanka Itoobiya ayay hay’adu sheegtay in ay sare ukacday macaluushu, waxayna hay’adu xustay in maalinba maalinta kadambaysa ay kasii daraysa abaarta iyo macaluushu, waxayna hay’adu xaalada Itoobiya kusheegtay mid khatar ah.

Dhowr hay’adood oo caalami ah ayaa warbixino kasoo saaray xaalada Itoobiya waxayna sheegeen in ay wadanka Itoobiya kunool yihiin inkabadan 10 milyan oo ciyaal iyo haween ubadan, kuwaas oo sida ay hay’aduhu sheegeen aad uliita.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo iyadu ah mida sababtay in macaluusha intaas la’eg ay wadanka kadhacdo ayaa wali mashquul ku ah sidii ay dadku ubaabi’i lahaayeen, waxayna kabixi la’yihiin hub iibsasho iyo hanti boob.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda
- Dec 11, 2017
Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda ee 2018 ...
Daawo Warkii Caalamka
- Dec 11, 2017
Daawo Warkii Caalamka aad ka heli doonto xogo muhiim ah
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
- Dec 11, 2017
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
- Dec 11, 2017
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
- Dec 11, 2017
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
Al Shabaab oo Gawaari Siday Raashin ku gubay Duleedka Baladweyne
- Dec 11, 2017
Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegaya in ay dab qabadsiiyeen Gawaari Raashin ...
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka oo Loo Diiday Inuu Falastiin Booqdo.
- Dec 11, 2017
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka, Mike Pence oo lagu waday in uu dhamaadka bishan tago dhulka ...
QM oo Shaacisay Tirada Shacabka Lagu Laayay Soomaaliya.
- Dec 11, 2017
Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan xuquuqda Insaanka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsn tirada ...
Rabshado Kasocda Gobolka Tigrey & Khasaare Kadhashay.
- Dec 11, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adgirat ee Gobolka Tigrey ayaa sheegaya rabshado aad uxoogan ...
Deg Deg: Xubno Sarsare oo Itoobiyaan Ah oo Australia Isu Dhiibay.
- Dec 11, 2017
War goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in wafti heer sare ah oo kasocday ...