Kooxda Xaylr Maryan oo kooxda Jigjiga ku Tilmaantay Maafiyo

Kulan ay si wada jir ah u Yeesheen Gudiga loo xilsaaray baadhista dagaalada laga dhex abuuray bulshoyinka Oromada iyo Somaalida iyo Golaha wasiirada kooxda EPRDF, ayaa war saxaafadeed laga soo saaray waxaa Eeda dagaalada dusha loogu saaray kooxda Fadhiidka ah ee mamulka Kililka loogu yeedho.

Warka kasoo baxay shirka Gudiga iyo xukuumada Woyanaha ayaa lagu sheegay in Kooxda Jigjiga ay si Joogta ah ugu xad Gudubaysay Qawaaniinta iyo dastuurka dalka, taasi oo keentay inuu meesha kabaxo ayaa warka lagu yidhi Nidaamkii dawliga ahaa Hanaankii kala dambayneed iyo sarayntii sharciga.

Isla xisaabtan la’aanta sharci ku Tumashada iyo Hanaanka Jaantaa Roganta ah ee mamulka Somaalidu waxaa ay Horseeday xasarada colaadeed ee kadhex Taagan bulshoyinka Oromada iyo Somaalida” ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka dawlada Woyanaha oo war-saxaafadeedkani ka Akhriyay Telefeshinka kuhadla Afka mamulka Woyanaha.

Warkani laga baahiyay Telefeshinka Woyanaha ayaa lagu sheegay inuusan wadanka Ogadenia kaba Hirgalin Nidaamka dawliga ah wax sharci ah oo kashaqeeyaana uusan jirin, waxaana kooxda Jigjiga iyo saraakiisha kooxda ay u shaqeeyaan ee TPLF uu ku tilmaamay kooxo maafiya ah oo sharciga u Yaqaana kolba waxa doonistoodu ay tahay.

Hadalkani laga baahiyay Telefeshinka Woyanaha ayaa waxaa Jawaab calaacal ah kabixiyay Adeegayaasha Woyanaha oo sheegay in Hadalka Negeri Lencho uu yahay mid iyaga lagu xaqirayo, waxayna ku celceliyeen inay ka xun yihiin Hadalka kasoo Yeedhay Lencho oo ah mid dhinac kararan ama u Hiilinaya mamulka Oromada ee uu kasoo Jeedo.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in siyaasiyiinta Oromada mucaarad iyo muxaafad ba ay isku meel kasoo Jeesteen una istaageen sidii ay u difaaci lahaayeen shacabkooda mudada dheer ku Hoos dulmanaa Gumaysiga Itobiya, waxayna kooxda Woyanaha ku khasbeen siyaasiyiinta iyo mamulka Oromada oo wada socda inay Helaan awooda dheera ah, saacad kastana ay si iskumid ah ugu doodayaan xaqa shacabkooda halka Asal madoorashayaasha magaca Somaalida wata ee kujira Barlaman kusheega iyo Wasiirada Woyanahana Haba-yaraatee uusan jirin Hal mid ah oo kahadlay xasuuqa shacbiga iyo Gardarada Kooxda dhigooda ah ee OPDO.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa  
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Taniyo Booqashadii Muranka dhalisay ee Madaxwaynaha Soomaaliya Kubooqday Eritrea Waxaa Markii ugu horaysay Maanta ...
Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray Farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ka wantoobaa
- Aug 16, 2018
Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ...
Ciidamada Loo yaqaano Liyuu Hail Ee Oromia oo dhacay Geel
- Aug 16, 2018
Ciidamada Oromada Usoo diyaar Garoobay Wax yeelaynta Shacabka Soomaaliyeeda Ogaadeeniya ayaa Geel ka dhacay ...
Xubno Kale oo kamida Maamulkii Abdi ilay oo ADIS ABABA Looga Yeeray.
- Aug 16, 2018
Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray ...
Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Agaasime kuxigeenka NISA iyo isbadal lagu Sameeyay amniga Msaxtooyada
- Aug 16, 2018
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa is bedel ballaaran loogu sameeyay Hey’adaha ...
Daawo Madaxweynaha Jubbaland OO Si kulul ula hadlay Dowlada Fadaralka ah
- Aug 16, 2018
Kadib Markii Maalin uun Kahor Laga Celiyay Garoonka diyaaradaha ee kismaayo Laba Msuul OO ...
Shaqa Joojin Usameeyay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa,+ Sababta.
- Aug 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa sheegaya in uu ...
Daawo Taariikda Ururka O N L F iyo Sanad Guuradii 34aad
- Aug 15, 2018
Waxay Maanta oo Kale 15 August sanad kasta ku beegantahay Sanad Guurada Jabhada Wadaniga ...