Maleeshiyada Oromada oo sii xoojiyay dagaalada ay xadka Ogadenia kawadaan.

Kumanaan Maleeshiyaad Oroma ah oo Tababar dhowaan loo soo xidhay ayaa Guluf ciidan oo lagu Bartilmaameedsanayo shacabka Somaalida waxay ka bilaabeen deegaamada dhaca xadka Labada bulsho wadaagaan.

In kabadan 9-kun oo maleeshiya ah ayaa laxaqiijiyay inay Qayb kayihiin weerarada cusub ee mamul kusheega Oromadu Qorsheeyay in lagu Qaaday shacabka Beeralayda iyo Xoola dhaqatada isugu Jira ee Somaalida Ogadenia, kuwaasi oo aan lahayn cid ka difaacda weerarada Gardarada ah ee sida Joogtada ah ay maleeshiyada Oromada ee dabada laga Riixayaa kuhayaan.

Maleeshiyadani cusub ee mamulka Oromada ayaa Guluf dagaal waxay kuqaadeen deegaamo badan oo dhulka Ogadenia ah, waxaana deegaamadan oo Qaarkood aysan ba Joogin maleeshiyada Kililku kadhacay dagaalo culus oo aan Faah Faahin Rasmiya lagahayn khasaaraha kadhashay.

Ilaa 4-Goobood oo katirsan degmada Qubi ee Gobolka Nogbeed waxaa 26-kii bishan kadhacay dagaalo khadhaadh oo u dhexeeyay maleeshiyada Hororka ah ee Oromada iyo shacabka Somaalida oo iska cabin xoogan kala Hortagay, waxaana sida warka aanu kuhelay ay shacabka Ogadenia ku Guulaysteen inay iska difaacaan weeraradii Gardarada ahaa ee lagu soo Qaaday.

Gulufka maleeshiyada Oromada oo u muuqda mid saf balaadhan ah ayaa dagaal ay kuqaadeen Tuulada Haragura ee Hoostagta degmada Salaxaad, waxaa ugu suuragashay inay Qadar Kooban kula wareegaan Tuuladaasi, balse weerar Rogaal celis ah oo maleeshiyada kooxda Jigjiga iyo shacab wada socdaa kuqaadeen ayay dib ugula wareegeen Haragura, waxaana dagaalkaasi kudhintay inta laxaqiijiyay 7-Oromo ah iyo 3-Somaali ah oo midi Gabadh shacaba tahay.

Dhinaca kale waxaa iska Hor-imaad kooban oo u dhexeeyay 2-da maleeshiya mamul uu 27-kii bishan magalada Tuli-Guuleed ee duleedka degmada Jinacsaney, halkaasi oo ay kawada jiraan 2-da mamul kusheeg ee Somaalida iyo Oromada, balse inta la Og-yahay iska Hor imaadka 2-da maleeshiyo ayaa khasaaraha kadhashay naloogu sheegay oo kaliya dhaawaca 3-kamida maleeshiyaadkii is xabadeeyay.

Meelaha kale ee maleeshiyaadka Oromadu weerarada ku Ekeeyaan Khasaaraha badanina kadhashay ayaa waxaa kamida deegaanka Balbalayti, gaar ahaan Aaga degmada Hawi Gudina halkaasi oo maleeshiyada Oromadu weerar saf balaadhan ah kuqaadeen dadkii Xoola dhaqatada iyo Beeralayda isugu Jiray ee Somaaliyeed, kuwaasi oo Haba Yaraatee aan Haysan wax Hub ah oo ay isaga difaacaan weerarka bahalnimada ah ee maleeshiyada Oromadu kuhayso.

Hawi Gudina iyo deegaamada Hoos-yimaada ee Wataatara Salqi iyo Dhaaba Salqi ayaa laxaqiijiyay in maleeshiyada Oromadu kudileen Todobaadkan Gudihiisa dad maxas ah oo kabadan 26-ruux oo 9-kamida Dumar iyo caruur yihiin, Halka dhaawacana inta la Ogyahay lagu sheegay ilaa 40-ruux oo dhamaantood shacab ah, waxayna maleeshiyadu dhaceen sida warka aanu kuhelay Xoolihii ugu badnaa oo isugu Jira Geel, Lo’ iyo Adhiba, sidoo kalana waxay Gubeen dhamaan Tuulooyinka iyo dhul Beereedkii shacabka Somaaliyeed.

Sida uu noo xaqiijiyay mid kamida Tiro muwaadiniin ah oo soo Gaadhay xerada Barakacayaasha ee Qoloji Kumanaan Qoys oo Somaali ah, ayaa ku Go’doonsan deegaamada Balbalayti Hoos-yimaada, waxaana dadkaasi ku Hareeraysan maleeshiyaad aad u Hubaysan oo Oroma ah una diiday inay maxasta dhibaataysan inay Naftooda kala baxsadaan xasuuqa iyo dhibaatada Joogtada ah ee ay kala kulmayaan maleeshiyada mamulka Oromada oo aysan Jirin cid ka difaacaysa ama ay uga cabsanayaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa  
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Taniyo Booqashadii Muranka dhalisay ee Madaxwaynaha Soomaaliya Kubooqday Eritrea Waxaa Markii ugu horaysay Maanta ...
Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray Farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ka wantoobaa
- Aug 16, 2018
Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ...
Ciidamada Loo yaqaano Liyuu Hail Ee Oromia oo dhacay Geel
- Aug 16, 2018
Ciidamada Oromada Usoo diyaar Garoobay Wax yeelaynta Shacabka Soomaaliyeeda Ogaadeeniya ayaa Geel ka dhacay ...
Xubno Kale oo kamida Maamulkii Abdi ilay oo ADIS ABABA Looga Yeeray.
- Aug 16, 2018
Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray ...
Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Agaasime kuxigeenka NISA iyo isbadal lagu Sameeyay amniga Msaxtooyada
- Aug 16, 2018
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa is bedel ballaaran loogu sameeyay Hey’adaha ...
Daawo Madaxweynaha Jubbaland OO Si kulul ula hadlay Dowlada Fadaralka ah
- Aug 16, 2018
Kadib Markii Maalin uun Kahor Laga Celiyay Garoonka diyaaradaha ee kismaayo Laba Msuul OO ...
Shaqa Joojin Usameeyay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa,+ Sababta.
- Aug 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa sheegaya in uu ...
Daawo Taariikda Ururka O N L F iyo Sanad Guuradii 34aad
- Aug 15, 2018
Waxay Maanta oo Kale 15 August sanad kasta ku beegantahay Sanad Guurada Jabhada Wadaniga ...