Deg Deg: Ciidamada Sudan oo Gudaha Ugalay Itoobiya & Colaad Laga Cabsi Qabo.

War goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in xuduuda wadamada Sudan iyo Itoobiya ay kajirto cabsi iyo shaki laga qabo in dagaal uu dhex maro ciidamada labada wadan oo aad isugu sigtay.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamo aad ubadan oo kuhubaysan baabuurta gaashaaman oo wadanka Sudan laga leeyahay ayaa kasoo gudbay xuduuda labada wadan iyagoo gudaha ugalay wadanka gumaysiga Itoobiya.

Ciidamada wadanka Sudan oo aan lagaranaynin ujeedada ay usoo galeen wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa in badan gudaha Itoobiya soo galay waxayna arintaas cabsi iyo argagax kuriday dadka dagan xuduuda labada wadan ee shacabka ah.

Wariye madax banaan oo deegaankaas kusugan ayaa sheegay in ciidamada wadanka Sudan, markii lawaydiiyay ujeedadooda iyo sababta ay wadanka usoo galeen ay sheegeen in saaakiisha sarsare ee ciidamada Sudan ay bixiyeen amarka kusaabsan soo galitaanka wadanka Itoobiya.

Dhinaca kale ciidamada wayaanaha ee kusugan aagaas ayaan wax jawaab ah kabixinin talaabada ay qaadeen ciidamada Sudan, waxayna ciidanka wayaanuhu aad mashquul ugu yihiin xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah ee kacdoonka kala hor jeeda xukuumada wayaanaha.

Dowlada wadanka Sudan ayaa waligeedba saaxiib la ahayd xukuumada wayaanaha, lamana garanayo sababta kukaliftay in ay gudaha ugalaan wadanka Itoobiya iyagoo wata baabuur gaashaaman, hase yeeshee waxaa lafilayaa in ay udulqaadan waayeen ciidamada dhaqanka xun ee wayaanaha oo laga yaabo in ay gudaha wadanka Sudan wax kasoo sameeyeen.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa wafti dag dag ah udiray wadanka Sudan si uu ugala xaajoodo colaada laga cabsi qabo ee labada dhinac iyo dhacdadii ugu dambaysay ee ciidanka Sudan ay kugaleen wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xaalada Gobolka Shiniile oo Siimurugtay & Dad Shacab Ah oo Laxidh Xidhay.
- Apr 23, 2018
Waxaa heer wax ku’ool ah gaadhay kacdoonadii shacabka ee kasocday Gobolka Shiniile (Siti) ee ...
Itoobiya oo Noqotay Wadanka Ugu Liita Dhinaca Xuquuqda Aadamaha Ee Wadamada Africa.
- Apr 23, 2018
Dowlada Maraykanka oo qiimayn dhinaca xuquuqul aadamaha ah kusamaysay in kabadan 200 oo dowladeed ...
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Loodiyaar Garoobay.
- Apr 23, 2018
Kadib todobaadyo buuq iyo xiisad siyaasadeed oo keenay in uu xilka ka dago gudoomiyhii ...
Ethiopia Wadanka Ugu Liita Dhinaca Xuquuqda Aadamaha Ee Wadamada Africa.
- Apr 23, 2018
  Dowlada Maraykanka oo qiimayn dhinaca xuquuqul aadamaha ah kusamaysay in kabadan 200 oo dowladeed ...
Kacdoonka Shinniile waa inuu Soomaaliyeysnaadaa, waa inuu socdaa, waa inuu Jigjiga iyo Fiiq
- Apr 23, 2018
Kacdoonka Shinniile waa inuu Soomaaliyeysnaadaa, waa inuu socdaa, waa inuu Jigjiga iyo Fiiq soo ...
JIG JIGA. XEELADA GUMEYSIGU KU BAHDILO SHACABKA KA DIBNA DAREEN CABSI IYO ARGAGAX LUGU BEERRO 1884.
- Apr 22, 2018
Lancetser house wuxuu ku yaalaa jidka weyn ee soo galla madasha looga arrimiyo dalkan ...
Kuuriyada Waqooy oo Ku Dhawaaqday Hakinta Hubka Nukleerka Ah.
- Apr 22, 2018
Hadalkii ay ku sheegtay Kuuriyad Woqooyi in ay hakinayso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabada gantaalaha, ...
Dad Shacab Ah oo Lagu Xidh Xidhay Dhulka Axmaarada & Xiisad Kadhalatay.
- Apr 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in todobaadkan ...
Khilaaf Xoogan oo Sookala Dhex Galay Raysal-wasaaraha Itoobiya & Hogaanka Ciidamada.
- Apr 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay ...
Xiisadii Gobolka Shiniile oo Adkaatay & Ciidamo Halkaas Loodirayo.
- Apr 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shiniile ee Galbeedka wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in gabi ...