Itoobiya oo Lagu Dhaleeceeyay Weerarkeeda Dhinaca Internet-ka.

Sida warbixinta lagu sheegay taliska wayaanaha oo aad khalkhal uga qaaday dhinaca Internet-ka ayaa malaayiin doller kubixiya sidii uu u ogaan lahaa waxyaabaha lagu qoro aaladaha Internet-ka, waxaana warbixinta lagu xusay in taliska wayaanuhu uu xidhay akoono badan oo ay lahaayeen shakhsiyaad kasoo horjeeda.

Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Rights Warch ayaa dhowr jeer xukuumada wayaanaha ku cambaaraysay weerarada dhinaca Interner-ka ah ee ay sida joogtada ah uqaadayso, waxayna hay’adu sheegtay in Itoobiya ay mashquul kutahay kharibaada Kumbiyuutarada hay’adaha iyo shakhsiyaadka mucaaradka ku ah.

Human Rights Warch ayaa sheegtay in wadanka Itoobiya oo dhaqaale daro iyo abaaro aad uba’an ay kajiraan hadana wax aan micno samaynaynin lagu bixiyo dhaqaale malaayiin ah oo ay shacabku u baahan yihiin.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa taliska wayaanaha ka codsaday in uu joojiyo hantida badan ee uu u adeegsanayo sirdoonka dhinaca Internerka ah iyo wali ku xadgudubka xuquuqda hay’adaha iyo shakhsiyaadka kasoo horjeeda xukuumada wayaanaha.

Ma aha markii ugu horaysay ee xukuumada wayaanuhu ay qaado talaabadan noocan oo kale ah, waxayna si aad ah dagaalka Internet-ka u bilaabeen markii ay kacdoonado ka bilowdeen gudaha Itoobiya, xiligaas oo ay rabeen in ay sirdoon ahaan wax ku xaliyaan.

Hay’ada xaquuqul insaanka ee Human Rights Warch ayaa sheegtay in loobaahan yahay xeer caalami ah oo lagu xakameeyo weerarka dhinaca Internet-ka, waxayna hay’adu ku talisay in ganaax iyo iqaab lagu soo rogo cidii ku xadgudubta akoonada ay dadu gaarka uleeyihiin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda
- Dec 11, 2017
Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda ee 2018 ...
Daawo Warkii Caalamka
- Dec 11, 2017
Daawo Warkii Caalamka aad ka heli doonto xogo muhiim ah
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
- Dec 11, 2017
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
- Dec 11, 2017
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
- Dec 11, 2017
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
Al Shabaab oo Gawaari Siday Raashin ku gubay Duleedka Baladweyne
- Dec 11, 2017
Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegaya in ay dab qabadsiiyeen Gawaari Raashin ...
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka oo Loo Diiday Inuu Falastiin Booqdo.
- Dec 11, 2017
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka, Mike Pence oo lagu waday in uu dhamaadka bishan tago dhulka ...
QM oo Shaacisay Tirada Shacabka Lagu Laayay Soomaaliya.
- Dec 11, 2017
Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan xuquuqda Insaanka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsn tirada ...
Rabshado Kasocda Gobolka Tigrey & Khasaare Kadhashay.
- Dec 11, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adgirat ee Gobolka Tigrey ayaa sheegaya rabshado aad uxoogan ...
Deg Deg: Xubno Sarsare oo Itoobiyaan Ah oo Australia Isu Dhiibay.
- Dec 11, 2017
War goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in wafti heer sare ah oo kasocday ...