Jabhada Gimbot 7 oo Gubtay Baabuur Uraraa Wayaanaha.

Sida bayaanka Jabhada Gimbot 7 lagu sheegay ciidamada Jabhada ee kusugan xuduuda Sudan iyo Itoobiya ayaa weerar kuqaaday baabuur booyado ah oo siday shidaal, kuwaas oo uraraa ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Sida warsaxaafadeedka ku cad ciidamada Jabhada Gimbot 7 ayaa dab qabadsiiyay dhamaan baabuurtii waday shidaalka ee uraraa wayaanaha, kuwaas oo kasoo kicitimay dakada Bort Sudan ee wadanka Sudan.

Sidoo kale bayaanka Jabhada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in aysan Jabhadu ogolaandoonin in ciidanka wayaanaha uu saadku uga yimaado wadanka dariska ah ee Sudan, waxayna Jabhadu sheegtay in dhulkooda ay iyagu gacanta kuhayaan isla markaana ay gubi doonaan baabuurta wayaanaha.

Ma aha markii ugu horaysay ee baabuur uraraa ciidamada wayaanaha lagubay, labo bilood kahor unbay ahayd markii ciidamada Jabhada Gimbot 7 ay dab qabadsiiyeen kolonyo baabuur ah oo sidan oo kale waday shidaal, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Addis Ababa.

Wadanka Itoobiya oo sanadihii lasoo dhaafay ay kajirtay shidaal la’aan aad ubadan ayaa umuuqda in lagu hongoobay hamigii laga lahaa in uu shidaalku ka imaandoono wadanka Sudan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea