Deg Deg: Xubno Sarsare oo Itoobiyaan Ah oo Australia Isu Dhiibay.

Sida xogta aan kuhelayno waftiga kasocday xukuumada wayaanaha ayaa dowlada Australia waydiistay magan galiyo siyaasadeed kadib markay isla afgarteen in aysan kulaaban karin wadankii ay kasoo kicitimeen ee gumaysiga Itoobiya.

Waftiga xukuumada wayaanaha kasocday ayaa lasheegayaa in ay isugu jireen saraakiil sarsare oo xukuumada wayaanaha katirsan iyo saraakiil kasocday Gobolka Oromia ee lagumaysto, kuwaas oo sida lasheegayo loodiray in ay kulamo lasoo yeeshaan dadka kacdoon wadayaasha ah ee Oromada ah ee kudhaqan wadanka Australia.

Afhayeen u hadlay waftiga Itoobiyaanka ah ee Australia isu dhiibay ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in ay kulaabtaan wadan ay dagaalo iyo kacdoono kajiraan oo ay naftoodu khatar kugalayso.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in wadanka Itoobiya ay kajirto cadaalad daro iyo waliba gumaad baahsan oo dadka shacabka ah lagu hayo, wuxuuna afhayeenku sheegay in qaraabadoodii lagu gumaadayo wadanka Itoobiya.

Talaabadan ayaa sharaf dhac ku ah xukuumada aan sumcada lahayn ee wayaanaha, waxayna arintanu xukuumada gumaysiga Itoobiya ku qasbaysaa in ay aamini waayaan cid dambe oo wafti loodiro.

Ma aha markii ugu horaysay ee mas’uuliyiin ay kagoostaan xukuumada macangaga ah ee wayaanaha, waxaana laxasuusan yahay, saraakiil, duuliyeyaal, dhakhaatiir, ganacsato iyo siyaasiyiin aad ubadan oo dhamaantood isu dhiibay wadamada caalamka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Dabadhilif Abdi Illey oo Mar kale Facebook Live Soo galay Kuna caraatamay
- Jun 22, 2018
Horjooga ha Maamul Kusheega Kililka Ayaa Aamini waayay Taageerayaashiisa Uu udiray inay Facebook Kadagaalamaan ...
Deg Deg : Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Al-shabaab
- Jun 22, 2018
Saraakiisha ciidamada dowladda ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay hawlgal ka dhacay deegaanka Kanaana oo ...
Kabogo: Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa uga ka qeyb galay shirka IGAD
- Jun 22, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32-aad ee Madaxda Urur Goboleedka ...
Turkiga oo Helaya Diyaaradaha F-35 ee Maraykanka.
- Jun 22, 2018
Iyada oo ay jirto diidmada xubno kamid ah Congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay ...
Baarlamaanka Itoobiya oo La Horgaynayo Sharci Cusub Oo Muhiim Ah.
- Jun 22, 2018
Sida ay wararku nagusoo gaadhayaan xeer ilaaliyaha guud ee Gumaysiga Itoobiya Birhanu Zegaye ayaa ...
Maleeshiyo Oromo Ah oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Caws Wayne.
- Jun 22, 2018
Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa waxay sheegaan in maleeshiyo ...
Qormo Cajiib ah Cabdi iley & Faalisadii
- Jun 22, 2018
?. Cabdi iley ayaa Islaantii u faalin jirtay u tagay oo ku yidhi “Hooyo ...
Daawo Wareegtada Madaxweyne Trump Oo Fasaxay Dadka Kalamaqan Isu Keenidooda
- Jun 21, 2018
Waxaa kala Xayiraa Dad Badan oo ehel aha kadib markii Uu Mabnuucay Madaxwaynaha Maraykanka ...
Deg Deg Daawo Ciidamada Xasilinta Oo Muwaadin Soomaali Ah Kudhaawacay Isgooska Zoobe Ee Muqdisho
- Jun 21, 2018
Waxaa Dhawaan Amniga Magaalada Muqdisho Lagu Wareejiyay Ciidamada Xasilinta Iyaga Oo Tacadiyo kala duwan ...
Kabogo: Halkuu Dambeeyay Wadahadalkii O N L F iyo Ethiopia
- Jun 21, 2018
Daawo Xog Hoose Wadahadalkii Ugu Danbeeyey Ee ONLF Iyo Ethiopia Khaladaadkii Dhacay HALKAN KADAAWO