Maqaal: Wax ka baro Soomaalida dhex deggan Deegaanka Oromia!!

 

Qaybta 4aad – Taariikhda ay deegaankaas tageen & Qabaa’ilka ay ka kooban yihiin
Soomaalidan oo taariikh ahaan dhulkan yimid hal qarni iyo badh ka hor ayaa ka kooban qabaa’il kala duwan oo Soomaaliyeed, oo isku xidhiidhiya magaca soomaalinimada (Waa meesha kali ah ee ay Soomaalinimadu hal qabiil ka tahay, iyo far kali ah dhinaca midnimada).

Balse waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo waaweyn oo kala ah beesha Camarka oo ah jilib Ogaadeen ah oo asalkoodu ka soo guuray degmada Fiiq & nawaaxigeeda, islamarkaana ka mid ah beel-weynta maalinguur iyo qaybta kale oo loogu yeedho Shiinaha oo isugu jira qabaa’il kala duwan oo ay ka mid yihiin Abaskuul, Hawiye isku jir ah, Ciise, Maxed Subeer, Ree Sacad, Abraahiim – Makaahiil, Bartire, Gurre, Sheekhaash, Harti, Mareexaan, Ajuuraan, Biyo-maal & qabiilo kale.
Qaybta 5aad – Shaqsiyaadka Caanka ah ee ka soo jeeda deegaankaas
Dadka caanka ah ee aaggan ka soo jeeda waxaa ka mid ah Sh/Cali Suufi Sh/C/raxmaan oo muddo dheer barista diinta ka waday meelo ay ka mid yihiin Fiiq, Dh/buur oo uu madarasooyin taariikh leh ka yagleelay, iyo Magaalada Muqdisho oo uu . Sheekhu wuxuu aabbo u yahay rag culimo ah oo uu ugu horreeyo Sh/C/rashiid Sh/Cali Suufi oo ah sheekha dawlada Qatar, culimada Soomaalida ugu magaca dheerna ka mid ah. Sida oo kale Dr. Suldaan Weli oo ahaan jiray Madaxweyne kuxigeenka deegaanka Soomaalida, iyo kuwo kale oo deegaanka xilal ka haya oo ay ka mid yihiin Miig Bile oo ah wisiirka dhallinyada & sports-ka & Dr. C/casiis Ibrahim oo ah Madaxweynaha Jaamacada Jigjiga iyo horin kale oo deegaanka xilal & shaqooyin muhiim ah ka haysa ayaa laga xusi karaa dadka dhulkaas ka soo jeeda, ee ku dhex bar-baaray deegaankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidan ayaa ah kuwo is jecel oo isku xidhiidhiya Soomaalinamada, taas oo ka dhigaysa in dhulkaasi uu yahay meesha kali ah ee ay Soomaali degto ee ay Soomaalinimadu hal qabiil ka tahay. Wore abdirashiid ali shuaa

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
Daawo Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay Inay ka laabatay Dacadii Badda Ee Kenya
- May 21, 2018
Waxaa maalmahan ba la isla dhexmarayay Inay Dowlada Soomaaliya kalaabatay Dacwadii Badda ee Udhaxaysay ...
Sacuudiga & Imaaraadka oo Ku Lug Yeeshay Fadeexadii Doorashada Maraykanka 2016 kii.
- May 21, 2018
Donlad Trump Jr oo ah wiilka ugu wayn caruurta uu dhalay Trump ayaa bishii ...
Dagaallo Kadhacay Dhulka Axmaarada oo Ciidanka Wayaanaha Lagu Naafeeyay.
- May 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo cul culus ...
Maamul Kusheega Jigjiga & Saraakiisha Oromada oo Madaxa Iskula Jira.
- May 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Xubnaha OYSU IFO oo maanta shirkoodii billaha ahaa isugu yimid
- May 20, 2018
Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee OYSU laantiisa kahawl gasha Faraca M.Xorriyo ee ...
Waraaqo Bahir-Dar Lagu Daadiyay & Xaalada oo Kacsan.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ...
Deg Deg Abiye Axmad oo Kala Diray Gudiyo Sharci Darro Ahaa.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...