Xertii Cabdi ee Minneapolis kusugnayd oo xaalku ku xunyahay!!!


Qolyihii Cabdi iley usoo direy Mareykanka si ay Xaflado Dhaanto iyo Niiko ah ugu qabtaan madaxda Federaalka Ethiopia-na utusaan cajaladda una yidhaahaan dadkii waa na taageersanyahay ayaa Xafladii wax uyimaada la’a. Qoladan oo lacago badan iyo balanqaadyo been ah dadbadani ugu tageen labadii xafladood ee hore ayaa tan dadkii kasii jeedsadeen.

Waxey horaan dadbadan oo eheladooduu xidhanyihiin ubalanqaadeen in lasii daynayo eheladooda haddi ay kasoo qeyb galaan xadladahan taasoo aan meeshiiba laga qaadin, waliba ay telefoonadii ka dansadeen ama ku damiyeen markey xafladihii dhamaadeen ayakoo islahaa iska noqda laakiin Cabdi iley ku qasbay inay midkale dhigaan taasoo wajigabax ku noqotey oo dadkii ay telefoonada ku damiyeen si ay ula hadla,aan ay garan la’yihiin.

Waxay hadda alifeen laba beenood: midda kawbaad Cabdi iley ayaa imaanaya ee kaalaya ayeey dadka ku leeyihiin waana been, midda labaad waxay suuqa gashadeen in Cabdi la heshiiyey dhalinyaradii la shaqeyn jirtey ee 2014 isku dhaceen haddana Addis Ababa kusugan, ayakoo suuqa la wareegaya Ogaadeen waa heshiiyey mucaarid iyo muxaafid reer hebel ayaana kursigeena duulimaad ku ah ee aan difaacanno.

Labaduba waa been cad aniga ayaan soo xaqiijiyey ee haddii aad tumashada ka qeyb qaadan sidaada uga qeyb qaado laakiin yaan laguu sheegin been qayaxan. Ragga Addis jooga waxaa ka go’an inay daalimkan dadka dhaafiyaan, Waligoodna la heshiin mahayaan sida maanta ay sheegeen. Cabdi masoo socdo ee ninkii dhaanta rabow lasoo dhaantee xerta Cabdi.

Waxaa hoteelka lagu kireeyey 50 kun oo dollar kharashka kalana dheeryahay isu geyn 100 kun oo dollar markey ugu yartahay, halka dadkii barakacayaasha ahaa shalay ay Fiiq ku banaan baxayeen, ayakoo gaajo iyo rafaad ka mudaharaadaya. Illaahay waa caadil oo mar cadaalatu way imaan ogowna haddii aad koob biya ah ka cabto xafladaas inaad xoolaha masaakiintaa wax ka cuntay Qore abdirashiid ali shuaa

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea