Deg Deg Khilaafka Imaaraadka & Turkiga oo Sii Xoogaystay.

Wadanka Turkiga ayaa si rasmi ah u badalay astaanta wadada ay ku taallo saraafadda dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta uu ku leeyahay magaalada Ankara, ka dib hadal dhaliyay khilaaf diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhexgalay.

Wadada waxaa loogu magacdaray Fahreddin Pasha, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraatka uu internetka ku baahiyay isagoo cambaareynaya sarkaalka oo horay uga tirsanaa nidaamkii Cusmaaniyiinta. Cabdallah bin Zayed al Nahyan wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray eedeyn uu u jeedinayo Pasham iyo awoowayaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mr Erdogan ayaa si adag uga jawaabay eedahaasi. Farriinta Twitter-ka waxay sheegeysaa in Pasham uu si xun ula dhaqmay Carabta muddadii uu maamulayay magaalada Madina, horraantii qarnigii 20-aad, wuxuuna sheegay “in ciidammadii ninkaasi ay xidhiidh la leeyihiin Mr Erdogan.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa difaacay barasaabkii hore ee magaalada barakeysan ee Madina, wuxuuna su’aal geliyay jiritaanka awoowayaasha wasiirka Imaaraatka. Mr Erdogan wuxuu wasiirka u sheegay “in uu shaqadiisa garto” oo shimbirba shimbirkiisa uu la duulo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eeda ay tahay “aflagaado”. Erdogan ayaa dalka Imaaraatka ku tilmaamay meel ay kharibeen “lacag iyo shidaal”. Diblumaasi sare oo Turkiga ka joogay Dubai ayaa looga yeedhay Ankara si uu cabasho rasmi ah u gudbiyo.

Xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ayaa xumaanayay bilihii ugu dambeeyay ka dib markii Turkiga uu la saftay Qadar oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo wadamada khaliijka oo ku eedeeyeen in Doxa ay argagixisada taageerto. Maayarka magaalada Ankara ayaa bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in magaca waddada la bedelay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Ing Faysal Cali Waraabe Oo Lakulmay Wafti kasocda MIdawga Yurub
- Jan 19, 2018
Ing Faysal Cali Waraabe Oo Lakulmay Wafti kasocda MIdawga Yurub
Daawo barnaamij loogu magacdaray mideeye Iyo dhalinyarada Caabud waaq
- Jan 19, 2018
Daawo barnaamij loogu magacdaray mideeye Iyo dhalinyarada Caabud waaq
Daawo Nimcaan Hilaac oo hees ka qaaday Dagaalka Somaliland iyo Puntland
- Jan 19, 2018
Daawo Nimcaan Hilaac oo hees ka qaaday Dagaalka Somaliland iyo Puntland
Daawo maanso Wadani ah oo aad qiiro badan iyo Gabar yar
- Jan 19, 2018
Daawo maanso Wadani ah oo aad qiiro badan iyo Gabar yar
Xog Cusub :TPLF oo Sheegtay In Sirtoodii Lajabsaday.
- Jan 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya ...
Taliska Wayaanaha oo Qaaday Talaabo Dadka Siyaasada Kafaalooda Kayaabisay.
- Jan 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya arin dadka siyaasada falanqeeya ay ...
Daawo Qosolkii Ugu Badnaa Boqor Khaakh iyo Heestii Bar bar
- Jan 19, 2018
Daawo Qosolkii Ugu Badnaa Boqor Khaakh iyo Heestii Bar bar
New Zealand: Ra’isulwasaaraha Dalkaasi oo sheegtay in ay uur leedahay
- Jan 19, 2018
Ra'isulwasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern iyo seygeeda Clarke Gayford ayaa sheegay in ay ...
Wadahadalka Onlf iyo Ethiopia Dexmarahaya
- Jan 18, 2018
Si guud arrin wanaagsan baan u arkaa inay dadku aragtidooda ka dhiibtaan wada-xaajoodka ...
Maqaal: wadahadalku waa isfahanka labada dhinac ee is haya.
- Jan 18, 2018
Halganka Ogadenia waxaa lagu waayay hanado, halyeeyo, geesiyaal, birmagaydo caan ahaa, hanti iyo dhaqaale ...