Xaflad Lagu maamuusayo Aas’aaskii OLF oo Dhalay Lagu Qabtay Manchester.

Magaalada Manchester ee wadanka Ingiriiska shalay lagu qabtay shir si heer sare loo soo agaasimayah oo lagu maamuusayo aas’aaskii Jabhada Xoraynta Oromia ee magaceeda loosoo gaabiyo OLF.

Xafladan oo ah mid siwayn looga soo shaqeeyay ayaa shalay oo Arabaca ahayd lagu qabtay magaalada Manchester ee wadanka UK, halkaas oo ay kudhaqan tahay jaaliyad aad ubalaadhan oo qoomiyada Oromada ku abtirsata.

Xaflada ayaa lagu marti qaaday madax katirsan Jaaliyada Soomlida Ogadenia ee magaalada Manchester, waxaana hoolka ay xafladu kasocoto siwayn loogu soo dhaweeyay xubnaha kasocda Jaaliyada Ogadenia.

Madaxda kasocotay Jaaliyada Oromada oo xaflada khudbado dhaadheer kufuray ayaa ugu horaynba canbaareeyay dhaqanka xun ee taliska wayaanuhu uu kudhaqaaqay iyo xasuuqa ba’an ee ciidankiisu uu ugaystay dadyowga lagumaysto.

Madaxda Jabhada OLF ee xaflada kasoo qayb gashay ayaa sheegtay in xukuumada wayaanuhu ay mas’uul katahay dhiiga kudaatay dagaalka foosha xun ee u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida, waxayna madaxdu sheegeen in dagaalkaas laga soo abaabulay Addis Ababa.

Sidoo kale waxaa xaflada kalmado dhaxal gal ah kajeediyay madaxda ONLF ee xaflada lagu casuumay waxayna Madaxda Jabhadu kubaaqday in ladamiyo colaada gacan kurimiska ah ee labada shacab la isu adeegsaday.

Xaflada oo wali socota ayaa lasheegayaa in lasoo afmeeri doono galinka dambe ee maanta waxaana siwayn looqaadaa dhigi doonaa taariikhda halganka shacabka Oromada.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...