Kooxda TPLF oo Mudo Gaaban Gashay Kulankoodii 3aad.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in uu kooxda TPLF ufurmay shir dag dag ah oo sida lasheegay ay doonayeen in ay kuxiliyaan mid kamid ah dhibaatooyinka kooxda lasoo daristay.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda ayaa kulankan doonaysay in ay kubuuxiyaan boosaskii ay ragii hayay xilkii kaga qaadeen shirkii qiimaynta ay ugu magac dareen ee dhawaan kusoo gabagaboobay magaalada Maqale oo ah goobta ay kooxdu kucalaacasho.

Kooxda ayaa kulankoodii hore xilkii kaga xayuubiyay madaxwayne kusheegii Gobolka Tigrey Abay Woldu, waxaana lasheegayaa in ay hada booskaas umagacaabeen ninka lagu magacaabo Debresion Gabre Makael oo ah gudoomiyihii cusbaa ee kooxda TPLF, kaas oo labo todobaad kahor xilkaas loodhiibay.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu caydhiyay labo gudoomiye Gobol oo sida lasheegay lagu eedeeyay wax qabad la’aan iyo xilgudasho waa, dhinaca kale waxaa madax xafiiseed lagu qoray nin ay walaalo yihiin Getachew Asafa oo ah madaxa sirdoonka wayaanaha.

Kulanka ay gashay kooxda TPLF ayaa lagu macneeyay mid qaar kamid ah garabyada kooxdu ay ku farxeen halka qaar kalana ay aad uga xumaadeen waxa meesha kasocda iyo qaabka wax loomaamulay.

Arimahan isku qasan ayaa muujinaya kala aragti duwanaanta kooxda TPLF iyo isminja xaabinta kooxda dhexdeeda ah, waxaana lasheegayaa in kulankasta oo ladoonayo in wax lagu xaliyo uu wax siikala fogeeyo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Ing Faysal Cali Waraabe Oo Lakulmay Wafti kasocda MIdawga Yurub
- Jan 19, 2018
Ing Faysal Cali Waraabe Oo Lakulmay Wafti kasocda MIdawga Yurub
Daawo barnaamij loogu magacdaray mideeye Iyo dhalinyarada Caabud waaq
- Jan 19, 2018
Daawo barnaamij loogu magacdaray mideeye Iyo dhalinyarada Caabud waaq
Daawo Nimcaan Hilaac oo hees ka qaaday Dagaalka Somaliland iyo Puntland
- Jan 19, 2018
Daawo Nimcaan Hilaac oo hees ka qaaday Dagaalka Somaliland iyo Puntland
Daawo maanso Wadani ah oo aad qiiro badan iyo Gabar yar
- Jan 19, 2018
Daawo maanso Wadani ah oo aad qiiro badan iyo Gabar yar
Xog Cusub :TPLF oo Sheegtay In Sirtoodii Lajabsaday.
- Jan 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya ...
Taliska Wayaanaha oo Qaaday Talaabo Dadka Siyaasada Kafaalooda Kayaabisay.
- Jan 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya arin dadka siyaasada falanqeeya ay ...
Daawo Qosolkii Ugu Badnaa Boqor Khaakh iyo Heestii Bar bar
- Jan 19, 2018
Daawo Qosolkii Ugu Badnaa Boqor Khaakh iyo Heestii Bar bar
New Zealand: Ra’isulwasaaraha Dalkaasi oo sheegtay in ay uur leedahay
- Jan 19, 2018
Ra'isulwasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern iyo seygeeda Clarke Gayford ayaa sheegay in ay ...
Wadahadalka Onlf iyo Ethiopia Dexmarahaya
- Jan 18, 2018
Si guud arrin wanaagsan baan u arkaa inay dadku aragtidooda ka dhiibtaan wada-xaajoodka ...
Maqaal: wadahadalku waa isfahanka labada dhinac ee is haya.
- Jan 18, 2018
Halganka Ogadenia waxaa lagu waayay hanado, halyeeyo, geesiyaal, birmagaydo caan ahaa, hanti iyo dhaqaale ...