Trump oo Inkiray Afxumo Ka Dhan Ah Dalalka Ay Muhaajiriintu Kasoo Jeedaan.

Donalda Trump ayaa beeniyay in uu hadalo gef ah ka sheegay waddamada ay ka yimaadaan dadka muhaajiriinta ah ee soo gala Maraykanka.

Wararka ku saabsan in Trump shir ka dhacay Aqalka Cad uu dalalka ay muhaajiriinta ka yidaamaan ku tilmaamay sida qashin qub oo kale , ayaa waxaa ka dhashay cadho balaadhan adduunka oo dhan. Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qorey Twitter-ka ayuu sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay.

Wargeysyada Washington Post, New York Times, Politico iyo Wall Street Journal ayaa dhammaantood tabiyay hadalada gefka ah ee Trump, iyaga oo soo xiganayay dadkii ka qeybgalay shirkii uu hadalka ka jeediyay. Xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee Aqalka Congress-ka ayaa maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqday Trump si ay uga wada hadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay.

Dalka Botswana ayaa u yeedhay safiirka Maraykanka, iyada oo hadalka madaxweynaha ku tilmaamtay mid aanan loo dulqaadan karin oo qayru mas’uulnimo ah. Afhayeenka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Rupert Colville ayaa sheegay in haddii uu run noqdo hadalka Trump uu ka dhiganyahay fadeexad weyn iyo ceeb laga ashqaraaro. Waxa uu ku tilmaamay in uu hadalkaas ka dhiganyahay midab takoor iyo bahdil weyn.

Ururka qaran ee dadka midabka ah ee Maraykanka ee NAACP ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Trump uu kusii dhacayo god bakayle oo aad u dheer, kaas oo ah mid nacayb iyo midab takoornimo. Ku salaysan. Hadalada Trump waxaa ka mid ahaa kuwa uu u jeediyay dadka ka imanaya dalka Haiti oo uu sheegay in aanan Maraykanka looga baahnayn, islamarkaasna ay tahay in dalka laga tarxiilo.

Gabadha lagu magacaabo Mia Love oo ah xildhibaanad kasoo gasha gobolka Utah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, asal ahaana kasoo jeedda dalka Haiti ayaa Trump ka dalabtay in uu raaligalin rasmi ka bixiyo hadalada uu jeediyay. Todobaadyadii dhawaa, maamulka Trump ayaa isku dayayay in uu xadido tirada xubnaha qoyska ee Maraykanka iman kara si ay ugu soo biiraan xubno kale oo horey Maraykanka ugu noolaa.

Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in dadka muhaajiriinta qaarkood oo Maraykanka ku sugan loo ogolaado in ay sii joogaan maadaamaa dalalka ay ka yimaadeen aanan lagu laaban karin xaalado amni awgood. Si ay u helaan ogolaanshaha madaxweynaha, waxa ay xildhibaanada Trump u ogolaadeen in ay ansixinayaan lacag dhan $1.5 bilyan oo doolar si uu ugu dhiso darbiga xudduuda, balse Trump ayaa sheegay in waxa loosoo bandhigay ay aad uga yaryihiin wixii loo baahnaa.

Trump ayaa soo jeediyay in kaliya Maraykanka laga qaabilo dadka tayada leh ee dalkiisa gaadhsiin kara heerka. Dadka lagala noqday ruqsadaha kumeelgaadhka ah waxa ay kasoo kala jeedaan dalalka Haiti, Nicaragua iyo Salvador.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
Daawo Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay Inay ka laabatay Dacadii Badda Ee Kenya
- May 21, 2018
Waxaa maalmahan ba la isla dhexmarayay Inay Dowlada Soomaaliya kalaabatay Dacwadii Badda ee Udhaxaysay ...
Sacuudiga & Imaaraadka oo Ku Lug Yeeshay Fadeexadii Doorashada Maraykanka 2016 kii.
- May 21, 2018
Donlad Trump Jr oo ah wiilka ugu wayn caruurta uu dhalay Trump ayaa bishii ...
Dagaallo Kadhacay Dhulka Axmaarada oo Ciidanka Wayaanaha Lagu Naafeeyay.
- May 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo cul culus ...
Maamul Kusheega Jigjiga & Saraakiisha Oromada oo Madaxa Iskula Jira.
- May 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Xubnaha OYSU IFO oo maanta shirkoodii billaha ahaa isugu yimid
- May 20, 2018
Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee OYSU laantiisa kahawl gasha Faraca M.Xorriyo ee ...
Waraaqo Bahir-Dar Lagu Daadiyay & Xaalada oo Kacsan.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ...
Deg Deg Abiye Axmad oo Kala Diray Gudiyo Sharci Darro Ahaa.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...