UNICEF oo Ku Baaqday In La Caawiyo Caruurta Ku Baro-Kacay Muqdisho.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Dhalaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in 21 degaan oo ku yaallay duleedka Muqdisho, oo hoy u aheyd dad ka badan 4,000 oo qoys la burburiyay, hadana dadkaasi ay yihiin kuwo xaalad adag ku jira.

UNICEF ayaa sheegtay dadka dhibaatada ay qabsatay in ay u badan yihiin haween iyo carruur kuwaas oo yimid bilo yar kahor, kadib markii ay safar dheer u soo socdeen si ay uga baxsadaan abaarta iyo colaadaha., waxayna sheegtay dadkaasi in guryahooda laga saaray iyada oo aysan jirin ogeysiis hore.

Waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah dadka iyaga oo guryahooda jiifa mar qura ay ka war heleen Ciidamo hubeysan iyo Cagaf-cagaf guryahooda dumineysa, taasina ay sababtay in cauur badan ay noqdaan Hoy la’aan, Waxbarasho la’aan, iyo xitaa in agabkoodii waxbarasho halkaasi ay ku waayaan.

UNICEF ayaa sheegtay in howl-galayaasheeda qeybta caafimaadka ay la kulmeen 35 qof oo isugu jira cauur, Waayeelo, iyo dad naafo ah, kadibna ay u sameeyeen gargaar caafimaad, si wax looga qabto xaaladahooda caafimaad daro. Kiisaskan khasabka ah ayay sheegtay in ay saameyn ku yeesheen in ka badan 3,000 oo carruur ah, Afar dugsi oo la burburiyey, xarun carruurta ay ku cayaaraan oo u dhameystiran qalabka ay caruurta ku cayaaraan.

Ugu dambeyntii UNICEF ayaa ka codsatay mas’uuliyiinta in ay hubiyaan in dhammaan carruurta ay dhibaatadu saameysey si buuxda u badqabaan, lana dejiyo meelo ammaan ah, si dhibaatooyin kale aysan ula soo dersin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...