AU oo Trump Ugu Baaqay Inuu Ka Laabto Hadalkii Gefka Ahaa Ee Kasoo Yeedhay.

Midowga Afrika (AU) ayaa ugu baaqay Donald Trump in uu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay in uu u adeegsaday wadamada Afrika isla markaana uu raaligalin hadalkaasi ka bixiyo.

Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Ururka AU ku muujiyay sida uu uga cadhaysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Maraykanka uu siin jiray kala midab duwanaanshiyaha.

Wakiilada AU ee ku sugan caasimada Mareykanka ee Washington, ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin, ugana cadhaysan yihiin oo ay u diidan yihiin hadalkii la sheegay in uu kasoo yeedhay Trump, taasi oo ay ku sheegeen in ay xaqiijineyso in maamulka Maraykanka uu si khalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Wasaarada Arimaha Dibadda ee Botswana ayaa u yeedhay safiirka dalkeeda ee Maraykanka, waxa ayna hadalka madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aanan loo dulqaadan karin oo khayrul mas’uulnimo ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa sheegtay sidoo kale in ay rajeyneyso in dadka Mareykanka aysan la qabin Trump fikradan ka dhanka ah dalalka Afrika.

Dr Pelonomi Venson Moitoi, ayaa u sheegtay BBC-da in erayga uu adeegsaday madaxweyne Trump uu ku yahay gaf qaarada Afrika. Hadalada lagu eedeeyay in uu sheegay Trump ayaa yimid xili xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ay maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqdeen Trump si ay uga wada hadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gafka ah jeediyay.

Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qoray Twitter-kiisa waxa uu ku sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

JIG JIGA. XEELADA GUMEYSIGU KU BAHDILO SHACABKA KA DIBNA DAREEN CABSI IYO ARGAGAX LUGU BEERRO 1884.
- Apr 22, 2018
Lancetser house wuxuu ku yaalaa jidka weyn ee soo galla madasha looga arrimiyo dalkan ...
Kuuriyada Waqooy oo Ku Dhawaaqday Hakinta Hubka Nukleerka Ah.
- Apr 22, 2018
Hadalkii ay ku sheegtay Kuuriyad Woqooyi in ay hakinayso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabada gantaalaha, ...
Dad Shacab Ah oo Lagu Xidh Xidhay Dhulka Axmaarada & Xiisad Kadhalatay.
- Apr 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in todobaadkan ...
Khilaaf Xoogan oo Sookala Dhex Galay Raysal-wasaaraha Itoobiya & Hogaanka Ciidamada.
- Apr 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay ...
Xiisadii Gobolka Shiniile oo Adkaatay & Ciidamo Halkaas Loodirayo.
- Apr 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shiniile ee Galbeedka wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in gabi ...
Dibu-curasho mise dulmi-curasho?
- Apr 22, 2018
Wiilka aan madixiisu tin cad lahayn (Barbaar) Ee kaligii 30 gabdhood oo ugub ah ...
Xaalada Qasan ee Ethiopia iyo Kacdoonka Ka Biloowday Gobalka Shiniile
- Apr 22, 2018
Waxaan Idiin soo gudbinaynaa Waraysi Kusaabsan Xaalada Qasan ee Ethiopia iyo Kacdoonka Ka Biloowday Gobalka ...
XEERKA GABDHAHA XABSI MA KU JIREY?
- Apr 22, 2018
Magaca Eebbe aan ku bilaabo, Nabiga na aan naxariis iyo nabad gelyo Alle u ...
War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.
- Apr 21, 2018
? Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray ...
Vladimir Putin oo Diyaar U Ah Inuu Trump La Kulmo.
- Apr 21, 2018
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo ...