Taliska Suuriya oo Lagu Eedeeyay Adeegsiga Hub Kiimiko Ah.

Weerar loo adeegsaday gaaska Koloriinka ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu qaaday deegaan lagu hareereysan yahay oo fallaagadu haysato oo ku yaala duleedka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Dadka ku nool Gobolka bariga Ghouta, kaasoo maalin kasta la duqeeyo ayaa ku soo waramay in uu u soo uray gaas, kadib weerar gantaal sida ay saxaafadu ogaatay. Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in lix qof laga daweeyay xanuuno yaryar oo xaga neefsashada ah.

Ilaa 400,000 oo qof ayaa waxaa halkaa ku hareereeyey ciidanka uu Ruushku taageero, tan iyo 2013. Waxaa jiray tiro weeraro ah oo loo adeegsaday gaaska Koloriinka ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, laakiin xukuumadu waxay mar walba beeninaysaa in ay hub kiimiko ah adeegsatay.

Gobolka bariga Ghouta ayaa ah mid istaraatijiyad ahaan muhiim ah, ayadoo fallaagada halkaa saldhigga ku leh ay awood u leeyihiin in ay gantaallo ku ridaan xaafadaha ay dadku dagan yihiin ee magaalada Dimishiq.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Ing Faysal Cali Waraabe Oo Lakulmay Wafti kasocda MIdawga Yurub
- Jan 19, 2018
Ing Faysal Cali Waraabe Oo Lakulmay Wafti kasocda MIdawga Yurub
Daawo barnaamij loogu magacdaray mideeye Iyo dhalinyarada Caabud waaq
- Jan 19, 2018
Daawo barnaamij loogu magacdaray mideeye Iyo dhalinyarada Caabud waaq
Daawo Nimcaan Hilaac oo hees ka qaaday Dagaalka Somaliland iyo Puntland
- Jan 19, 2018
Daawo Nimcaan Hilaac oo hees ka qaaday Dagaalka Somaliland iyo Puntland
Daawo maanso Wadani ah oo aad qiiro badan iyo Gabar yar
- Jan 19, 2018
Daawo maanso Wadani ah oo aad qiiro badan iyo Gabar yar
Xog Cusub :TPLF oo Sheegtay In Sirtoodii Lajabsaday.
- Jan 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya ...
Taliska Wayaanaha oo Qaaday Talaabo Dadka Siyaasada Kafaalooda Kayaabisay.
- Jan 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya arin dadka siyaasada falanqeeya ay ...
Daawo Qosolkii Ugu Badnaa Boqor Khaakh iyo Heestii Bar bar
- Jan 19, 2018
Daawo Qosolkii Ugu Badnaa Boqor Khaakh iyo Heestii Bar bar
New Zealand: Ra’isulwasaaraha Dalkaasi oo sheegtay in ay uur leedahay
- Jan 19, 2018
Ra'isulwasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern iyo seygeeda Clarke Gayford ayaa sheegay in ay ...
Wadahadalka Onlf iyo Ethiopia Dexmarahaya
- Jan 18, 2018
Si guud arrin wanaagsan baan u arkaa inay dadku aragtidooda ka dhiibtaan wada-xaajoodka ...
Maqaal: wadahadalku waa isfahanka labada dhinac ee is haya.
- Jan 18, 2018
Halganka Ogadenia waxaa lagu waayay hanado, halyeeyo, geesiyaal, birmagaydo caan ahaa, hanti iyo dhaqaale ...