Akhriso War Saxaafadeed ay ka soo saareen Ganacsatada Muqdisho Canshuur lagu kordhiyay (Sawiro)

Dekadda magaalada Muqdisho ayaan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin mudo usbuuc ah, kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ee dekadda wax kasoo degsata lagu soo rogay canshuur dheeraad ah.

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, waxa ayna ganacsatada ka cabanayaan in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

Kulan maanta ku yeesheen Ganacsatada gobolka Banaadir ayey uga soo horjeesteen canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay ganacsatada gobolka oo kaliya, waxa ayna sheegeen in ay raali ka yihiin hadii guud ahaan ganacsatada si isku mid ah canshuurta loogu kordhiyo.

Ali Dhoore oo ku hadlayay magaca ganacsaada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ganacsatada aysan waxba kala soo degin Dekadda Muqdisho mudo isbuuc ah, waxa uuna xusay in ganacsatada aysa raali ka aheyn canshuur kordhinta.

Ganacsatada maanta kulanka yeeshay ayaa ugu baaqday Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya in ay soo faro galiyaan canshuur kordhinta lagu sameeyay ganacsatada gobolka Banaadir.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Ganacsatada Gobolka Banaadir

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Taariikh: 11/02/2018
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ku: Ra’isul-Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ku: Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Og: Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Og: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya.
Og: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga G/Banaadir.

Ujeeddo: Warsaxaafadeed ka soo baxay Ganacsatada G/Banaadir.

Annaga oo ah Ganacsatada Gobolka Banaadir waxaan Cabasho ka qabnaa Canshuuraha xad dhaafka ah ee sida gaarka ah dusha looga saaray Ganacsatada Gobolka Banaadir taas oo sababtay in ganacsatadu ay ku khasaaraan Badeecooyinka ay ka soo dejiyeen Dekeda Muqdisho..

Asbaabta Cabashadeena oo faah faahsan.

Dekeda Muqdisho waxa ay ka qarash iyo Canshuur badan tahay Dekedaha kale ee ka jira Soomaaliya inteeda kale taas oo sababtay in Ganacsatada Muqdisho ay ku khasaaraan Badeecada ay ka soo dejiyaan Deskeda Muqdisho maadaama ayna la tartami karin Badeecadaha kale laga soo dejiyo Dekedaha kale wadanka oo laga qaado Canshuur ka yar tan laga qaado Ganacsatada Muqdisho.

Waxaan xusuusineynaa madaxda Dowlada in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay tahay ganacsatada ugu Canshuur bixin badan Dalka Soomaaliya oo dhan ayna si gaar ah isga xilsaareen dhismaha Wadooyinka Muqdisho iyo arimaha la xariira gurmadka iyo taakuleynta dadka nugul ee dhibaatadu ka soo gaartay Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee wadanka kajira.

Waxaan ka codsaneynaa wasaaradda maaliyadda in canshuuraha xad dhaafka ee sida gaarka dusha looga saaray ganacsatada Gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyso maadaama ay shirkada waaweyn oo ganacsi ay kaceen ayada oo ay isku biirsatay Duruufaha dhaqaala xumada ee wadanka kajira iyo canshuuraha xad dhaafka ee Dekeda Muqdisho looga qaado iyo Canshuuraadka kale ee hada dusha laga saaray ganacsatada Muqdisho.

Waxaan ugu baaqeynaa wasaaradda maaliyada in ay si ku mid ah oo loo wada siman yahay uga qaado Canshuuraha dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed lagana daayo Ganacsatada Gobolka Banaadir Culeyska Canshuureed ee sida gaarka ah loogu haayo.

Ugu dabeyntii waxaan ka codsaneynaa Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, in ay soo faragiliyaan arintaan waxna laga qabto dhibaatada haysatada Ganacsatada Gobolka Banaadir.
Waxaan rajeynaa in aad naga aqbali doontaan codsigeynga ,waxna ka qaban doontaan dhibaatada haysata Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xubnaha OYSU IFO oo maanta shirkoodii billaha ahaa isugu yimid
- May 20, 2018
Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee OYSU laantiisa kahawl gasha Faraca M.Xorriyo ee ...
Waraaqo Bahir-Dar Lagu Daadiyay & Xaalada oo Kacsan.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ...
Deg Deg Abiye Axmad oo Kala Diray Gudiyo Sharci Darro Ahaa.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyey Dhacdooyinka Todobaadka Dagaalka Tukaraq
- May 20, 2018
Waxaa Wali Lagu Kala Fogyahay Xaalada Colaadeed ee Soomaaliland Iyo Puntland Hadaba Daawo Wararkii ...
Daawo Muuqaal Qosol badan Bidaarta maxaa sababa
- May 20, 2018
Bal Nala Qosol Oo Daawo Muqaal Maad ah maxaa sababa Bidaarta
Daawo Cali Khaliif Galaydh Somaliland Anigaa Iska leh Cidna Marti ugama ihi 18 May
- May 20, 2018
Hogaamiyihii Horee Khaatumo  Cali Khaliif Galaydh ''Somaliland Anigaa Iska leh Cidna Marti ugama ihi'' Wuxuu ...
Al-Markaz Tabsira Waa madarisa Qu’aanka Kariimka ah Lagu Barto
- May 19, 2018
Al-Markaz Tabsira Waa madarisa Qu'aanka Kariimka ah Lagu Barto
Xiisad Kataagan Gobolka Binshangul & Hogaankii Nabadgaliyada oo Ladilay.
- May 19, 2018
Sida warar kaanagii hore aan kusoo tabinay waxaa Gobolka Binshangul ee dhaca koonfurta Itoobiya ...
Dagaal Dhimasho & Dhaawac Keenay oo Dhexmaray Axmaarada Iyo Tigreega.
- May 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada ee wadanka Itoobiya ayaa ...
Jaaliyada Ogaadeniya ee Yamen oo Kulankoodii Caadiga Ahaa isugu Yimid.
- May 19, 2018
Waxaa kulankoodii caadiga ahaa isugu yimaaday jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka yamen waxaana lagu qabtay ...