Maxaa Looga dooday maalintii 1-aad ee Wada-hadalka ONLF iyo Itobiya? maxaa se kadhashay?

Wada Xaajoodka masiiriga ah ee magalada Nairobi saaka uga Furmay mamulka Woyanaha iyo Jabhada ONLF ayaa ku bilaabmay Qodob doodeed xasaasi ah oo Labada dhinac isku mari waayeen.

Qodobka 1-aad ee Ajandaha shirka oo ahaa Aaya Katashiga shacabiga Ogadenia ee mudada dheer kusoo Jiray Halganka Gobanima-doonka ah, ayay Ergadii kasocotay mamulka Woyanuhu iskudayeen in dib loo dhigo kadoodistiisa, balse waxaa Qodobkaasi kudhagay Ergada ONLF oo dhankooda kudooday inay Waajib tahay in marka Hore Qodobkaasi laysla meel dhigo.

Ergada Labada dhinac oo u muuqday in dhinac waliba mowqifkooda ku adag-yihiin ayaa kaliftay in shirku aanu wax Horusocod ah samayn maanta, balse Gudiga kasocda dawlada Kenya oo leh doorka dhex-dhexaadinta Labada dhinac iyo Fududaynta Qodobada laga doodayo, ayaa dhankooda dadaal xoogan Galiyay sidii shirku  Horay ugu socon lahaa.

Dadaalka Gudiga dhex-dhexaadinta oo Kaashanaya Khubaro kasocota safaaradaha dalalka ree Galbeedka ayaa ugu dambays Horseeday in Kooxda kasocotay dhinaca Woyanaha ay Aqbalaan in Qodobkaasi si rasmi ah looga dooda, waxayna Labada dhinac si dhamaystiran isula Qaateen in subaxnimada Isniinta Bari ah Qodobkaasi uu noqdo Ajandaha Guud ee shirka.

Ergada kasocota Labada dhinac ayuu Qodobkani mid kaste muhiimad wayn u leeyahay waxaana adag in Qodobka Aayo-katashiga ay Labada Garab si sahlan uga Gudbaan, maadaama uu Laf-dhabar u Yahay xiisada siyaasiga ah ee mudada dheer kasoo dhaxaysay shacabka Ogadenia iyo Gumaysiga madow ee Itobiya.

Waxaa Jira bisayl siyaasadeed oo Labada dhinac ah sida uu Ogaden24 u xaqiijiyay masuul kamida Hawl Wadeenada shirka, waxaana uu muujiyay Rajo badan oo ah in shirkani ugu Yaraan Horseedi doono Guul siyaasadeed oo Horseed u noqonaysa in Afti dadwayne laga Qaado shacabka Ogadenia, si ay masuul uga noqdaan masiirka dambe ee Aayahooda.

Shirkani oo u muuqda mid kaduwan shirarka iyo wada Hadaladii Labada dhinac Horay u Yeelan Jireen xogaha kusaabsan iyo Kolba meesha uu marayo, waxaad Kala socon doontaa Hadii Rabi Idmo Ogaden24.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...