Taliyihii Hore Ee Ciidanka Wayaanaha oo Kadigay Xaalka Wadanka Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumausiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay mar kale saraakiil caan ah oo wadanka xilal kasoo qabtay kubaaqeen in kooxda talada wadanka kufashilantay ee EPRDF/TPLF xilka iska wareejiyaan si wadanka xal loogu helo.

Taliyihii hore ee ciidamada wayaanaha Tsadkan Gebretensae, Ayaa sheegay in uu kutalinayo in kooxda TPLF ay dadka hor dhaafto isagoo sheegay in talada wadanka lagu wareejiyo dad dhex dhexaad ah oo kakooban qoomiyadaha kala duwan ee wadanka daga wadanka.

Sargaalkan mar ugu sarayn jiray ciidanka wayaanaha ayaa sheegay in wadanku uu ubaahan yahay maskax dagan iyo waliba aqli saliim ah si loo badbaadiyo qaranka burburka qarka usaaran ee kacdoonada waawayn ay mudada dheer kajiraan.

Sargaalkan oo udhashay qoomiyada Tigreega ee talada wadanka isasiisay ayaa umuuqda mid ay kadhamaatay rajadii ahayd in ay qoomiyadu sii maamusho wadanka, wuxuuna dhowr jeer kutaliyay in talada wadanka lagu wareejiyo dad lagu kalsoon yahay.

Tsadkan Gebreten sae oo waraysi siiyay wargayska Reporter ayaa sheegay in wadanku uu kujiro xaalad murugsan isla markaana loobaahan yahay in labadbaadiyo, isagoo intaas kudaray in xalku uu yahay TPLF oo xilka iska wareejisa.

Waxaa baryahan soobadanayay saraakiisha iyo dadka miisaanka kuleh siyaasada gumaysiga Itoobiya, ee sida wayn udhaliilaya sida ay wax usocdaan isla markaana ku talinaya in wax labadalo si wadanka loobadbaadiyo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Shir Heersare Ah oo lagu soo Dhaweeyay Waftigii Wadahadalka ONLF oo hada Nairobi ka furmay.
- Feb 17, 2018
Sidii aan lawada soconayba waxaa  maalmihii lasoo dhaafay uu dalka Kenya gaar ahaan Magaalada ...
Qiso Murugo Leh xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad.
- Feb 17, 2018
xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad. Goobtu ...
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ku dambeeyeen
- Feb 17, 2018
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ...
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
- Feb 17, 2018
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta taagan
- Feb 17, 2018
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta ...
Turkiga & Maraykanka oo Kawada Hadlaya Xaalada Waqooyiga Suuriya.
- Feb 17, 2018
Turkiga iyo Maraykanka oo goradda isugu jiray Waqooyiga dalka Suuriya ayaa waxay isku raaceen ...
Deg Deg Afar Macalin oo Lagu dilay Magaalada Wajeer.
- Feb 17, 2018
Sida ay tibaaxayaan wararka ka imanaya Kenya 3 macllin ayaa lagu dilay Gobolka Waqooyi ...
Tony Bleir oo Baajiyay Safarkiisii Addis Ababa Sababta?
- Feb 17, 2018
Raysal-wasaarihii hore ee wadanka Ingiriiska Tony Bleir ayaa lasheegayaa in uu gabi ahaanba joojiyay ...
Wargayska US News oo Maqaal Dheer Kaqoray Xaalada Itoobiya.
- Feb 17, 2018
Wargayska caanka ah ee lagu magacaabo US News oo maqaal dheer kaqoray xaalada Itoobiya ...
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo
- Feb 16, 2018
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo