Xaaladda bani’aadanimo ee dalka Suuriya oo aad looga dayrinayo

La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Email La wadaag
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha ka soo cusboonaaday gudaha dalka Suuriya, gaar ahaanna xiisadda ka dhalatay duqeymihii Israa’iil ay shalay ka geysatay gudaha Suuriya kaddib markii diyaarad laga soo riday.

Guterres ayaa sheegay in si dhow ay ula socdaan xiisadda ka taagan gudaha Suuriya oo laga yaabo in ay ku fiddo waddamada deriska.

Milatariga israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha ay ka geysteen gudaha Suuriya ay ahaayeen kuwii ugu ba’naa muddo ka badan 30 sano.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay waajib tahay in la joojiyo wax ay ugu yeertay dagaallada sii kordhaya iyo dhiig ku daadanaya dalka Suuriya.

Toddobaadkii hore waxaa uu ka mid ahaa kii ugu dhiig daadashada badnaa colaadda dalkaasi ee socotay muddada toddobada sano ah.

Zeid Ra’ad Al-Xuseen, oo ah guddoomiyaha golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in dad ka badan 270 qof la dilay toddobaadkii hore, kuwaasi oo badankoodu ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee ciidammada Ruushka iyo Suuriya.

Haddaba xaaladda bani’aadannimada Suuriya iyo sida ay tahay ayuu Xasan Cali Geele ka wareystay Xuseen Yoonis Xasan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaraamda Midoobey.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Shir Heersare Ah oo lagu soo Dhaweeyay Waftigii Wadahadalka ONLF oo hada Nairobi ka furmay.
- Feb 17, 2018
Sidii aan lawada soconayba waxaa  maalmihii lasoo dhaafay uu dalka Kenya gaar ahaan Magaalada ...
Qiso Murugo Leh xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad.
- Feb 17, 2018
xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad. Goobtu ...
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ku dambeeyeen
- Feb 17, 2018
Deg Deg Govenor Ali Bunoow oo ka Hadlay Hawadahadalkii ONLF & Ethiopia meesha ay ...
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
- Feb 17, 2018
Daawo Siyaasiyiinta Besha Hawiye Oo Ku Dhaartay Mooshinka Kheyre
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta taagan
- Feb 17, 2018
Daawo Waa hubaal Inay Ku An ficiyee Abwaan dhoodaan oo ka hadlay tan maanta ...
Turkiga & Maraykanka oo Kawada Hadlaya Xaalada Waqooyiga Suuriya.
- Feb 17, 2018
Turkiga iyo Maraykanka oo goradda isugu jiray Waqooyiga dalka Suuriya ayaa waxay isku raaceen ...
Deg Deg Afar Macalin oo Lagu dilay Magaalada Wajeer.
- Feb 17, 2018
Sida ay tibaaxayaan wararka ka imanaya Kenya 3 macllin ayaa lagu dilay Gobolka Waqooyi ...
Tony Bleir oo Baajiyay Safarkiisii Addis Ababa Sababta?
- Feb 17, 2018
Raysal-wasaarihii hore ee wadanka Ingiriiska Tony Bleir ayaa lasheegayaa in uu gabi ahaanba joojiyay ...
Wargayska US News oo Maqaal Dheer Kaqoray Xaalada Itoobiya.
- Feb 17, 2018
Wargayska caanka ah ee lagu magacaabo US News oo maqaal dheer kaqoray xaalada Itoobiya ...
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo
- Feb 16, 2018
Daawo Yaab Dabcasar Cabudwaq Kusoo Bandhigay Gabadho 8 Jiro Qudbo siro Lagu qabo